shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland oo la Tacaalaysa La dagaalanka Duumadda (Malaria).

(Garoowe, Nov  07,  2009 Ceegaag Online)

Cudurka Duumadda ama Malariyadu wuxuu ka mid yahay Cuduradda ugu Caansan ee Somalia ka jira iyadoona Dhamaan Wadamadda ku yaala Dunida Saddexaad Dhibaato ka haysato La dagaalanka Cudurkaasi,Dowladaha Dhaqaalaha Leh ee Horumaray ayaa ku guuleystay Inay dabargooyaan Cudurkaan,Hadaba Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa Dood cilmiyeed ku saabsan Duumadda ku soo Gabagebaysay Magaaladda Garoowe Waxaana Doodaan ka soo qaybgalay Xeeldheerayaal iyo Takhaatiir si wayn ugu Takhasusay Arrimaha Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa lagu Qabtay Doodan looga Arrinsanayay sidii loo soo Ciribtiri lahaa Cudurka Duumadda ama Malariyada,Waxaa ka qaybgalay Saraakiil Caafimaad oo ka socota Saddex Gobol oo ku yaala Puntland oo kala ah,Sool,Sanaag iyo Nugaal waxaana la isla Meel dhigay Qodobo lagu Maarayn karo Duumadda ama Malaariyadda,700 oo Madax caafimaad ah ayaa ka soo qaybgalay Doodaan Puntland uga Arrinsanaysay La tacaalida Cudurka Duumadda ama Malaariyadda.

Dr:C/risaaq Xasan ciise waa Agaasimaha Waaxda Daryeelka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland wuxuuna ka waramayaa Cudurkaan iyo Natiijadda Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland"Waxaan Doodaan ugu Talogalnay La dagaalanka Duumada waxaa ka qaybgalaya waa Saraakiil caafimaad oo ka socota Saddexda Gobol ee kala ah,Sool,Sanaag iyo Nugaal Madaama Goboladda kale aan ka soo bilawnay Barnaamijkaan aan kula Tacaalayno Duumadda ama Malaariyada sida Bari waxaana Gaarsiinay 18 Goobo Caafimaad".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com