shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu taageerayo dawlada Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd ka dhacday Magaalada  Boston.

(Boston.  March 02,  2009 Ceegaag Online) 

Daawo Sawirada oo warbixin wada Xabaarsan

Waxaa goobta shirka Furay shirkanadaadihinayay  C/laahi Faarax Ritoos oo ka hadlay dhibaatada uu u gaystay Kiilkii! dadka Soomaaliyeed ee martida ama Qaxootiga ku ah wadamadan Qarbiga siiba kuwa dhaqan wadankan Mareekanka.

Wiilkaa oo ah wiilkii sida macnodarada ah isugu qarxiyay magaalada Quruxda badan ee Hargaysa. Ma dhicin taariikhda wadankan mareekanka in nin qaxooti ku yimid oo helay dhalashada wadanka Mareekanka inuu ku noqdo wadankiisii oo uu dhibaato uu isku haligayo dadkiisanaku haligayo  ku kaco.

Hada waad wada aragtaan sida dadkii dariskeena ahaa isaga keen duuduubayaan oo isaga keen ilaalinayaan awalba iyada oo Islaam ahaan geeska naloogu riixayay.

Kadib waxaa ayaadaha Quraanka ku furay Cade C/laahi Madey.

Waxaa goobta shirka lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha gudiga Qaban qaabada shirkan C/laahi Gurxan(Nadey)

Madey oo u duceeyay labada Masuul ee ugu saraysa Dawlada Soomaaliya dadwaynihii goobtajoogayna ka codsaday inay ku dadaalaan inay tageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan dawladaa Soomaaliyeed.

C/laahi madey ayaa carabka ku adkeeyay in labadaa dhalinyaro ee Soomaaliya Hogaankau qabtay ilaahay xilkooda u fududeeyodadka Soomaaliyeedna Calooshaadaisku iyo qalbigooda Caafimaadiyo.

Waxaa Codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Maxamed Aadan Dheere, oo hadal dheer ka dib kusoo gunaanaday wixii Maslaxo lagu helayowaa in la taageeraa oo aynu taageernaa afiyo adinba.

Waxaa goobta Shirka lagu soo dhaweeyay C/laahi Xasan Takar oo ah Wariyayaashii qaranka Soomaaliya Lixdameeyadii isga iyo Maxamed Nuur Cade. Waxaan ku oronayaa Shariif iyo Dr. Cumar anoo labadaba dhli kara.

  1. Talo: Mudanayaal Soomaali waxaa halkaa dhigay  Qabiil iyo Eex ee iska ilaaliya
  2. Duco: ILaahay ha idinka dhigo kuwa Soomaaliya Nabad u Horseeda Barwaaqona Gaadhsiiya.

Waxaa loo kacay Salaadi Makhrib 5:46PM.

Waxaa madasha Shirka lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Faadumo Daahir Aadan oo kamida xildhibaanada dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo booqasho ku timid magaaladan Boston. Xildhibaanada ayaa hadalkeedii ku bilowday "Waxaan u maleenayaa in Odoyo badan is waydiinayaan waxa gabadh yari u hortaagan tahay maanta oo ay uga war bixinaso wax qabadkeedii taasi waxaan uga jawaabayaa GABDHU DALKII AYAY KU HADHAY OO U SHAQAYSAY UNA DHABAR ADEEGTAY DHIIBKA KA JIRA balse idinku waad ka soo cararteen.

Waxay si toos ah ula hadashay gabdhihii shirka joogay iyadoo u sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed loo ogolaa oo kaliya xubinnimadooda Baarlamaanka Soomaaliya 12%, balse aanu gaadhsiinay in loo qoondeeyo gabdhaha Soomaaliyeed 23% maanta oo xitaa aan ogolaysiinay wadaadadii.

Xildhibaan Faadumo waxay u mahad celisay Gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Boston iyadoo ku guubaabisay inay sii wadaan Jacaylka ay u qabaan wadankoodii Hooyo.

Xildhibaan Faadumo ayaa ku nuux nuux satay in dawladii C/laahi Yuusuf qabatay hawl aad u wayn oo maanta dawladnimo lagasii anbaqaadi karo.

Xildhabaanada ayaa si gaara uga codsatay luul Gaalooti inay madasha shirka ka Buraanburto Fikirkeedana ka jeediso Luulna way yeeshay iyada oo tidhi,"waxaa lasoo gaadhay waa ragiinee hadii dawladana socon waydo inaad anaga gabdhaha Soomaaliyeed  nagu soo wareejisaan Madaxwaynenimada iyo Raysalwasaaronimadaba.

Luul gaalooti waxaa ka mid ahaa Buraanburkeedii Dhagayso

Macalin Xasan Faarax Warfaa oo ah bare la tacaala ubadka Soomaaliyeed ee wax ka dhigta Dugsiga Sare ee English High ayaa halkaa qudbad qiimo badan kasoo jeediyay isga oo durbadiiba is waydiiyay "anigoo reer Boorame ah oo Somaliland haysta maxaan ka soo doonay Xafladan reer Soomaaliya oon ka rabaa Soomaaliya ? Balse macalinka ayaa ku nuux nuux saday inaan Soomaaliya ay tahay Halwadan iyo hal dad oo qudha oo aan sinaba loo kala saari karain.

Soomaaliya way ka da wayn tahay inay niman intay qolal iskusoo xidhaan ay qurub qurub u kala goosgoostaan wixii awoowayaasheen usoo halgamayeen waa midnimada reer Soomaliya ama dadka ku hadla Afsoomaaliga oo yeesha Halwadan.

Macalinka hadaladiisii waxaa ka mid ahaa Dhagayso

Eerkaliino ayaa u sheegay dadwaynaha Soomaaliyeed ee madasha shirka joogay in Soomaaliya furaha Afrika tahay oo aysan ahayn wax sidaa ku baabi'kara waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Dhagayso

waxaa kale oo madasha shirka ka hadlay Madaxa ASEDON Cabdulqaadir Yaasiin  waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa

Guubaabo iyo Xagwaran ee Dhagayso

Waxaa isna Madasha lagu soo dhaweeyay Halkamaa Xaaji Doolaal

Dadkii oo u istaagay Xaaji Doolaal

Dhagayso Xaaji doolaal oo macalin Warfaa madasha ku Soo dhaweenayo Dhagayso

Bal nala eega da'yarteenu siday afkeenii ugu hadlayaan. Dayarta oo Xaflada kasoo qayb gashay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa Dhagayso

Gabo gabadii ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay iyada oo loo mahad celiyay Saxaafada Sida Ceegaag Online Dhagayso

Daawo qaybta 2aad

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com