shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukunkii maxkamada Boosaaso ay shalay ku riday Wariye Fayte ayaa ahaa mid Cadaalada kafog

(Boosaaso.  March 31,  2009 Ceegaag Online) 

 

Wariye Jaamac Ayaanle Fayte oo maalmo ka hor ay xabsiga utaxaabeen ciidamada gobolka Bari ayaa shalay waxaa xukun labo sano ah ku riday Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso ka dib markii lagu eedeeyey in uu qoray warar ka dhan ah Madaxweyne Faroole.

 

Wariye Jaamac Ayaanle Fayte Xiligii Maxkamadu Xukumasyey waxaa uu ka hor cadeeyey Maxkamada oo si cad u beeniyey inuusan Shaqo ku lahayn Wax yaabaha lugu eedaynayo.

Halkan ka dhagayso Xukunkii Maxkamada

 

Warar ay shabakadan Ceegaag Boosaaso ka heshay ayaa tuhun balaadhan dusha uga tuuray xukunkaa maxkamada, wararkan ayaana haboonayn inaan siidayno ilaa aan ka helano xogo kamadax banaan xogaha uu warkan nagasoo gaadhay.

 

Wariye Jaamac Ayaanle Fayte ayaa noqonaya weriyihii ugu horeeyey ee xukum noocan oo kale ah lagu rido wixii ka dambeeyey markii madaxwayne Faroole uu xukunka maamulka Puntland la wareegay bilo ka hor, waxaana xusid mudan in warbaahinta Puntland oo markii horeba ku shaqeyn jirtay caburin joogto ah iyo xarig lagu hayey uu maamulkan cusub hadda uga sii daray.

 

Weriyaha oo ka mid ahaa wariyaasha wax ku qora shabakada Laasqorey.net ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu riday dhamaan howlwadeenada Shabakada Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com