shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya oo Ciidamo Shisheye Dalbatay.

(New York,  March 21,  2009 Ceegaag Online) 

 

Dowladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya ayaa dalbatay Ciidamo shisheeye oo gacan ka geysta soo celinta nabadgalyada dalka xilli ay dhawaan, Dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay beesha caalamka in la taageero Ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka Uganda iyo Burundi kuwaas oo ku soo biiri doono Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ka socda ee AMISOM.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Mohamed Abdullahi Omaar ayaa sheegay in ilaa iyo 3-guuto ama batal oo Ciidamo ah isla markaana ka socda Uganda iyo Burundi ay ku soo biiri doonaan Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee kusugan Soomaaliya, iyadoo la ogsoon yahay in Labadaas dal ku kali ahaayeen Nabad ilaalinta Soomaaliya oo ay horey ciidamo u geeyeen Magaalada Muqdisho ayaa haddana Wasiirku waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Ciidamo dheeraad ah oo lagu biiriyo kuwa jooga Soomaaliya.

Waxaan u baahanahay Ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo qeyb ka noqda Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Golaha amaanka waxaan ka codsanaynaa in ay taageeraan qorshahaas”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Mohamed Abdullahi Omaar.

Soomaaliya waxaa jooga Ciidamo ka socda Midowga Afrika, oo la geeyay 2007 da Magaalada Muqdisho kuwaas oo wax ka qaban waayay rabshadaha ka socda weli gudaha Magaalada Muqdisho.

Mohamed Abdullahi Omaar Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shalay ka hadlayay fadhiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu codsaday in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee tan iyo 1992 dii saara.

In kastoo Golaha amaanka Xayiraad hubka ku soo rogay Soomaaliya bishii January 1992 dii haddana bil kasta ama sanad kasta waxaa soomaaliya soo gala hub ka yimaada dalalka Itoobiya,Yeman iyo Eriteriya, kuwaas oo gacanta u gala dagaal ogayaal, kooxo Islaami ah iyo Ganacsato.

“Golaha ammaanka waxaan ka codsanaynaa in ay qaadan xayiraada hubka ee saaran soomaaliya si aynu Ciidamadeena tababaro iyo hub ugu helno kadibna aan soo celino ammaankii dalka”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohamed Abdullahi Omaar

Dhawr jeer oo hore ayaa la beeniyay war ku saabsanaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu codsaday waa Shariif Sh Axmed Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika, hase ahaate markan waxay u muuqataa in dalabka Madaxweynaha uu jiro isla markaana ku dadaalayo Madaxweyne Shariif sidii Ciidamo ka socda Caalamka loo geyn lahaa dalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa horey looga codsaday in Ciidamada AMISOM ee jooga caasimadda Muqdisho dalka ka saarto, baaqyadaas ayaa waxay ka imaanayeen Culumaa'udiinka iyo waxgaradka dalka.

Lama oga dalabkan Dowladda hadda soo bandhigtay ee baahida Ciidamada Shisheeye waxaa ay ka yeeli doonaan kooxaha Islaamiyiinta iyo Culuuma'udiinka Soomaalida ee ka soo horjeeda guud ahaan Ciidamo Shisheeye

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com