shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Toogasho ka dhacday Hawdka Buuhoodle

(Badhifufiye.  March12,  2009 Ceegaag Online) 

Toogasho  ka dhacay degaanka Badhifufiye ee Hawdka sare ayaa dhaawac ka soo gaadhay Axmed Aadan Saleebaan (Badgal) iyadoo dhawaca dhibbanahaas la keenay maanta magaalada Buuhoodle. Dilkan ayaa gaystay Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud oo u baxsaday dhinaca hadka sare ka dib markii uu toogtay ninkaas oo uu rasaas ku furay isagoo fadhiya meel mukhaayad ah. Dilkan ayaa dabasocda colaad ugub ah oo sanadahan danbe u dhaxaysay ardaayada Hagar iyo Hayaag oo labaduba ka soo jeeda beesha Dhulbahante.

Ehelada dhaawacu soo gaadhay oo la soo xidhiidhay shabakadda Ceegaag ayaa u xaqiijiyay in falkan uu dabasocdo dilkii kal hore ka dhacay Sararawayne kaas oo labadii marxuum mid ka mid ah uu yahay inaadeerkii ninkan falka gaystay halka dhibbanuhuna uu yahay jifida ninkii dilkii Sararawayne gaystay. Colaadda u dhaxaysa labada ardaa ee ood wadaagta ah ayaa marar badan laysku dayay in la xakameeyo, balse aan illaa hadda lagu guulaysan.

 

 Wixii warar ee ka soo kordha xaalladan cusub, kala soco Ceegaag online.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com