shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaali Galbeed oo soo eegasa reer Soomaaliya tageero Hiil iyo Hoobale ka filasa Qurba Joogta Soomaaliyeed

(Somalia Galbeed.  March 06,  2009 Ceegaag Online) 

Soomaali Galbeed oo soo eegasa reer Soomaaliya tageero Hiil iyo Hoobale ka filasa Qurba Joogta Soomaaliyeed balse aan wax rajo ah ka qabin dadka ku dhaqan Maamulada Somaliland iyo Puntland oo u dhago nuglaaday rabitaanka iyo Gumaynta Qawmiyada ku hadasha Afka Soomaaliga.

Daawo Halgamayaasha Xornimo u dirirka Soomaali Galbeed

http://www.youtube.com/watch?v=Rq3lUK3PIU0

ONLF ayaa sheegatay inay dileen 24 askari oo ciidamada Itoobiyaan ah kuwa intaa ka badana ay ku dhaawaceen, ka dib markii dagaal culus ay kula galeen ciidamda Itoobiyaanka ah  degaanka Dhagaxbuur oo katirsan Soomaali Galbeed.

Xoghayaha warfafinta ee ONLF ayaa u sheegay saxaafada in dagaalku uu bilowday 4tii febraury deeganka Dhagaxbuur islamarkaan uu weli dagaalka ka socdo Soomaali Galbeed deegano ka mid ah.

Ilaa iyo haatan dowlada ay hogaaminayaan Qawmiyada Tigreega ee haatan ka arimisa Adis Ababa waxa hadal kama aysan dhihin sheegashada ONLF ee la xiriirta qasaaraha ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhada ONLF wuxuu socday labadii todobaad e la soo dhafay taasoo uu khasaaro aad u wayn uu soo gaaray Reer Itoobiya Guushuna ay Raacaso Reer Soomaaliya siiba kuwa Soomaali galbeed.

Bishii june ayaa hay'ada fadhigeedu yahay magaalada New York ee Human Rights Watch waxa ay Itoobiya ku eedeysay inay gubtay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala Soomaali Galbeed, islamarkaan ay leynayaan shacabka, haweenka kufsanayaan.

Hadaba Reer Soomaali galbeed ayaa soo eegaya reer Soomaaliya oo taageero ka sugaya iyada oo aanay wax taageero ah ka sugay Maamulada Puntland iyo Soamaliland oo iyagu kabaha u qaada Dawlada Itoobiya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com