shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Marxuum Sheekh Ibraahim Maxamed Cali Suulay ayaa ku geeryooday Magaalada Hargaysa

(Hargaysa.  March 03,  2009 Ceegaag Online) 

Marxuum Sheekh Ibraahim Maxamed Cali Suulay oo waxbadan fidinta dacwada Islaamka ka waday Soomaaliya ayaa ku geeryooday Magaalada Hargaysa, Sheekha ayaa isla Hargaysa lagu aasay.

Sheekh Suulay ayaa ahaa nin ku caan baxay Fidinta diinta islaamka inkasta oo uu sanadadii u danbeeyay aad u xanuunsanayay.

Qaarkamida Hawlwadeenada shabakada Ceegaag ayaa ka mid ahaa Ardaydii Marxuum Suulay magaalada Muqdisho.

Waxaanu tacsi u diranaa dhamaan umada Soomaaliyeed iyo qayskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Sheekh Ibraahim Maxamed Cali Suulayl, isgana waxaan ilaahay uga baryanaa in uu miisaanka ugu buuxsho tacliintii uu uga tagay shacabka soomaaliyeed oo JANO lagu abaal mariyo. Aamiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com