shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mo Farah oo ku guuleystay Bilad Dahab ah Tartankii Oradada ee Qaarada Europe.

(London.  March 08,  2009 Ceegaag Online) 

Orodyahanka reer Britain Mohamed Farah ayaa shalay gaarey guushii ugu weyneyd ee orodka 3,000m kadib markii uu ku guulaystey billad dahab ah tartan ka dhacay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.

Orodyahananka oo asal ahaan Soomaali ah balse u orda dalka Britain ayaa ka qaybgalayay tartamada qaaradda Yurub ee loo yaqaan Indoor Championship, waxaana uu dhigey rikoor cusub ee tartankaas.

Mohamed Farah ayaa isla sanadkan laba jeer jebiyey rikoorka dalkan Britain ee orodka 3,000.

Mohamed Farah oo niyad jab kala kulmey ciyaarihii Olombikada markii uu u soo bixi waayey orordkii kama dambaysta ahaa ayaa haatan noqonaya orordyahanka ugu fiican qaaradda Yururb ee orodka 3000m.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com