shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka midowga Afrika oo garowsaday in aan Qabiil ama kooxo diimeedyo Dawlada Soomaaliya marti u ahaan karin iyagoo soo dha...

(Soomaaliya,  March 29,  2009 Ceegaag Online) 

Ururka miadowga Afrika oo garowsaday in aan Qabiil ama kooxo diimeedyo Dawlada Soomaaliya marti u ahaan karin iyagoo soo dhamaystiraya ciidamadoodii ay horay ugu heshiiyeen dawlada Soomaaliya.

Wadamada Afrika ayaa si qarsoodi ah loo waydiistay in ay soo kordhiyaan ciidamdooda nabad ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya. Qorshahan ayaa waxaa aad u soo dhaweenaya Soomaalida oo dhan marka laga reebo Kooxaha xaga diinta iyo beesha Hawiye oo iyagu doonaya inay siday doonaan u maamushaan wadanka.


Wakiilka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Necolas Bwakira oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa waxa uu sheegay inay wadaan qorshe ay ciidamo dheeri ah ugu dirayaan dalka Soomaaliya sii ciidamada dalka Soomaaliya la gaynayo loo gaarsiiyo ilaa 8,000 oo askari oo ay horay ugu heshiiyeen ururka Midowga Afrika iyo dawladda Soomaaliya.
 
Dhinaca kale wasiirada iyo mudanayaasha aqalka shuurada ee aan u dhalan beesha Hawiye ayaa ka biyo diidan inay magan u ahaadaan Qabaailo iyo kooxo diimeedyo iskusoo rogi kara markii ay doonaan. ama ayba ku kacaan wax ku lid ah danaha dadka ku haya Muqdisho.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com