shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hya’adda SCERDO oo Tababar socona muddo sannad ah u bilaabay  dhallinyarada da’da yare ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ee gobolka Alberta waddanka Canada.

(Edmonton, Alberta.   March 16,  2009 Ceegaag Online) 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee SCERDO bishan March 14, 2009.

Xafaladdan oo isugu jirtay seminars, casharro ku saabsan asluubta wanaagsan iyo dhawrista sharciga ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, khubaro si gaar ah ugu takhakhusay cilmiga dhallinyarada, dhallinyaro aad u farabadan oo isugu jira ajinabi iyo Soomaali iyo dadwaynaha ku nool magaalada Edmonton qaar ka mid ah.

Ugu horrayn waxaa xaladdaas furay guddoomiyaha hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali isagoo u mahadceliyay dadkii ka soo qaybgalay xafladda isla markaana u jeediyay hadal dardaran ah dhallinyarada loo furay tababarka isagoo ku adkeeyay in ay ka faaiidaystaan fursaddan qaaliga ah ee ay haystaan si joogta ahna uga soo qaybgalaan tababarka la siinayo.

Xafladdii iyo seminaarkii ka dib waxaa dhallinyarada loo sameeyay xaflad gaar ah oo ay ku arkayeen fannaanka da’da yare e K’naan Warsame kaas oo ay ku booqdeen xaruntii uu ka deganaa magaalada Edmonton. Guddomiyaha Hayadda SCERDO ayaa guddoonsiiyay K’naan Warsame billad (trophy) ku saabsan nabadgalyada iyo ku wacyigalinta dhallinyarada Soomaaliyeed nabadkusoo dabbaalidda dalkoodii hooyo taas oo uu K’naan ku mutaystay billaddan iyo kuwo hore oo laga guddoonsiiyay meelo badan oo adduunka ka mid ah. “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan guddoomo billaddan waana billaddii iigu horraysay ee dadkaygu igu sharfay” ayuu yidhi K’naan oo wajigiisa ay ka muuqatay farxad iyo hilowshiinyo Soomaalinnimo.

 “ Waxaan ballanqaadayaa in aanan illaawin dalkaygii hooyo kuna dadaalo in aan intii karaankayga ahna ku taakuleeyo maalkayga iyo magacaygaba” ayuu sii raaciyay K’naan Warsame. Waxaa xafladdaas ka soo qaybgalay masuuliyiin kakala socda qaybaha kala duwan dawladda Kanada iyo warbaahinta.

Daawo Sawiro Kale oo Badan

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com