shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Riyaale iyo Kuxigeenkiisa oo loo kordhiyay Muddo 6bilood ah

(Hargaysa,  March 28,  2009 Ceegaag Online) 

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta mudo 6 bilood ah u kordhisay Madaxweyne Rayaale iyo Kixigeenkiisa Axmed Y. Yaasiin,  Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa madasha ka soo xaadirey 79 Mudane, cod gacan taaga oo loo qaaday muddo kordhinta xilka Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa waxa ogolaaday 42 Mudan, waxa diiday 35 Mudane, wax ka aamusay 1 Mudane Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ka hor intii aanay cod qaadin waxay dood ka yeesheen in loo kordhiyo Madaxweyne Rayaale mudada xilkiisa marka ay ka dhamaato iyo in kale, taas oo ay Goluhu ku kala qeybsameen, iyada oo ay mudanaaysha qaar ka soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameynayo kuna tilmaamay inaanay sharciga waafaqsanayn, halka mudanayaasha qaarna ay ogolaadeen muddo kordhinta xilka Xukuumada Madaxweyne Riyaale.

Sidoo kale waxa la isku raacay inay doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo 29 Septemper 2009, iyada oo 29 October 2009 ay la wareegidoonaan Xisbiga ku guuleysta Tartanka Doorashada.

 

Go’aankan Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu ka horimanaaya mudadii ay hore Komiishanka doorashooyinku u cayimeen doorshada oo ahayd 31 May ee sanadkan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com