shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cudurka Daacuunka oo faro ba'an ku haya Gobolada Bay iyo Shabeelooyinka

(K.Soomaaliya.  March 18,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa gobolda Bay iyo shabeelooyinka ugu geeryooday cudurka shuban biyoodka dad lagu qiyaasay ilaa maanta 72 shaqsi oo u badnaa Caruur iyo dad waayeel ah. dadkan ayaana helin wax taakulayn ah dhinaca Hyadaha madiniga ah iyo kuwa shisheeyaba.

Tirada dadka ilaa hada ku geeryooday cudurkan Dacuunka Soomaalidu u taqaano ayaana la hubin balse tiorada 72da ah ayaa laga soo min guuriyay dadka iyagu yimid goobaha caafimaadka ee lagu sheegay cudurka.

Dawlada Soomaaliya ayaan iyadu waliba ka hadlin Dhibaatadan caafimaad ee lasoo daristay shacabka Soomaaliyeed sidoo kale Warbaahinada Soomaalida ayaa iyaguna kaba hadlin arintan oo dhibaato xun ku haysa Gobolka Bay iyo Gobolada shabeelooyinka.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com