shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirada dawlada iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa maxkamadaha ayaa manta isla meel dhigay  sidii ay u mideenlahaayeen Quwadooda.

(Muqdisho,  March 25,  2009 Ceegaag Online) 

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada Amniga Cumar Xaashi Aaden iyo arimaha gudaha C/qaadir Cali Cumar taliyaha Booliska Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo waliba Taliyaha Booliska gobolka Banaadir iyadoo ay joogeen  saraakiil kale oo ka tirsan ciidan Booliska, ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay saaka magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa oolagaga hadlayey sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo mideen lahaa Ciidamada Dawlada iyo kuwa Maxaakamadaha oo iyagu ku wada sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska C/laahi Xasan Bariise oo kulanka kadib la hadlayey saxaafada ayaa sheegey in qodobadii lagu wada Hadley la isku afgartey, waxaana uu raaciyay in aysan maanta kadib saxaafadu ugu yeeri Karin labo magac oo ay ugu yeeri karaan oo kaliya Ciidanka qaranka.

Talaabadan ayaa soo dadajinasa in si awood leh gacanta loogu dhigo amaanka Caasimada Soomaaliya taa soo wax ka tari karta dardar galinta dib u dhiska Soomaaliya. Inkastooy markii hore diidanaayeen ciidamada maxkamadahu inay qaataan labiska ciidamada qaranka balse waxaa laysla gartay in dib loo soo nooleeyo dirayskii hore ee Ciidamada qaranka Soomaaliyeed , dirayska ay dawlada Itoobiyo bixisayna qashinka la raaciyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com