shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacada Carabta oo isku dayaya inay meel qudha ka wada duulaan

(Dooxa, Qadar.  March 30,  2009 Ceegaag Online) 

Wadamada Carabta oo looga bartay inaanay waxba isku afgaran ayaa shirkooda uga socda dalka Qadar magaalo madaxdiisa Dooxa waxay isku taxaluujinayaan inay mideeyaaan afkaartooda ku aadan sidii ay ka yeelilahaayeen xukunka madaxwaynaha Suudaan ay ku riday maxkamada aduunku, sidii Israa’iil laga yeeli lahaa, iyo hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha aduunka.

Shirka ayaa waxaa furay madaxwaynaha Siiriya Bashaar Al-Asad oo isagu wareejinaya madaxwaynenimada Sanadlaha ah isagoo fursadaa uga faa’iideestay kuna weeraray Israa’iil isagoo carabta u sheegay inaanayYuhuuda saxaabtinimo iyo daristinimo toonalahayn ee ay tahay abeeso abaalla’aan ah.

Waxaa ku xigay oo madasha shirka ka hadlay Amiirka dalka Qadar Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani oo gogasha lahaa lana wareegaya madaxwayne nimada dalalka carabta, isagoo si qoto dheer uga hadlay xaalada dhaqaalaha dunida iyo lacagaha carabta u yaal bangiyada aduunka.

Furitaankii shirka ee manta waxaa isna ka hadlay xoghayaha qaramada midoobay  Ban Ki-Moon isaga oo carabka ku adkeeyay sida dhulka Falastiiniyiinta yuhuudu u haqadhablayneeso iyo xaalada daran ee biniaadamnimo ee marinka Qaza.

Dhinaca kale madaxwaynaha Sudaan oo cadho la burqanaya ayaa weeraray xaghayaha qaramada midoobay iyo dalalka qarbiga oo uu ku tilmaamay inay afganbi xaga saxaafada ah la doonayaan dawladiisa.

Waxaa shirka ka maqanaa madaxwaynaha Masar Xusni Mubaarak isagoo ku xumeenaya Qadar, idaacada Al-Jaziira awgeed.

Waxaa isna doonay inuu si xun u weeraro dalka Sucuudiga madaxwaynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, balse waxaa laga damiyay Codbaahiyihii shirka ayuu isaga baxay balse ku soo noqday saacad ka dib.

Iskusoo duub duub oo wali Soomaaliya wax lacag ah loomaqoondeen lakiin madaxwayne Sheekh Shariif ayaa madaxdaa Carbeed ka dhex muuqday.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com