shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dardaarankii Nabiga (CSW) ee fidnada muslimiinta dhexdeeda ah iyo ka fogaanshaha fidnada dagaal sokeeye

(Soomaaliya,  March 28,  2009 Ceegaag Online) 

Nin ayaa maalin u jeedey nin kale oo ku soo socda, markaas ayuu si hoose naftiisa ugu yiri ' Ilaahow adaan kaa magan galay wixii shar ah ee ninkaasi wado' (ama hadal sidaas oo kale ah). Ninkaas waxa uu Alle ka magangelayo waa wiilkiisii uu dhalay!!. Ninkaasi waxa uu ahaa ninkii fallaartii ugu horreysey ee Jihaad ah cadawga ku ridey. Wiilkiisuna waxa uu noqdey ninkii ugu horreeyey ee hub ku rida durriyadii Nebiga (CSW) ama wuxuu ahaa ninkii hoggaaminayey ciidankii diley Xuseen Bin Cali Ibn Abuu-Daalib, awlaadii Nebiga CSW. 'War facaa iyo raggii kula midka ahaa xukun ayuu u hardamayaa adiguna halkan ayaad fadhidaa oo baadiye ayaad u laabatey' ayuu yiri wiilkii u yimid aabihiis.

Saxaabiga weyn ee Sacad Ibn abii Waqaas waxaa uu ka mid ahaa koox Saxaabadii Nebiga ah oo ka dhex baxay markii ay socotey fidnadii Muslimiinta dhexdeeda ahaa ee ka billaabatey dilkii Khaliifkii Muslimiinta Cusmaan Binu-Cafaan eena sii soctey illaa Khaliif Cali Allaha ka raalli ahaadee iyo Mucaawiya iyo billowgii boqortooyadii ugu horreysey ee Islaamka ee ay billaabeen reer Banuu-Umaya.

Saxaabigaasi weyn Allaha ka raalli ahaadee waxaa si uu fidnadaas uga dheeraado uu u laabtey miyigii baadiyaha iyo inuu xoolaha raaco, isagoo ku dhaqmaya dardaarankii Nebiga (CSW) ee markii fidno Muslimiinta dhexdeeda ah la arko. Sacad marka uu baadiyaha u laabanayo muxuu ahaa?.

Sacad Ibnu Waqaas waxaa uu ka mid ahaa Saxaabadii ugu dhowed nebiga (CSW) siiba 10-kii Saxaabi ee iyaga oo nool Jannada loogu bishaareeyey, kadibna madaxdii ugu sarreysey ee dawladdii Islaamka xilligii Cumar iyo Cusmaanba. Waxaa uu ahaa ninka loo tiriyo inuu Diinta Islaamka gaarsiiyey Shiinaha. Ninkii hoggaaminayey ciidankii Muslimiinta ee Cumar u direy inay la diriraan ciidankii tirada badnaa lagana baqi jirey ee Pershiya kuwaasi oo ciidankaas ku jebiyey dagaalkii Qaadisiya. Sacad waxa uu ahaa ninkii qabsadey caasimadii boqortooyadii Beershiya ay ka xukumi jirtey Ciraaq iyo Siiriyaba ee Ctesiphon ama magaaladii Muslimku u yiqiin Al-Madar ka hor intii aan la aasaasin Baqdaad. Sacad waxa uu sidoo kale ahaa Suldaankii xukumi jirey Gobolka Najd ee Sucuudiga iyo Kuufa ee Ciraaq.

Saxaabigaas weyn ee tilmaamahaas leh markii fidnadii dagaalka sokeeye ee Muslimiinta dhexdeeda ahi billaabatey waxa uu goostey in hawlihii dawladda Islaamka ee uu hayey iyo hardankii socdeyba inuusan ka qayb gelin, isagoo ku dhaqmaya dardaarankii Nebiga CSW. Waxaana uu u guurey baadiyaha iyo inuu xoolaha raaco, weliba isagoo nin taaji ah ahaa, madaxnimona soo marey. Wiilkiisii Cumar ayaa markii uu ka war heley waxa uu aabihiis faley sooo raadiyey, waana markaas marka uu fahmay Sacad in waxa wiilkiisu u socdo aanay ahayn waxaan ka ahayn inuu ugu yeerayo inuu ka qaybgalo fidnadaas ayuu Allah ka magan galayaa waxa wiilkiisu ula soo socdo.

Wiilkii Cumar ahaa markii uu u yimid aabihiis Sacad ayuu ku yiri dadkii adiga oo kale ahaana boqortooyadii iyo saldano ayey u hardamayaan adiguna reer-baadiyenimadii ayaad u laabatey, Sacad ayaa markaas wiilkiisii inta xabadka ka gujiyey ku yiri 'waryaa aamus, wallaahi rasuulkii Alle ayaan ka maqley isaga oo ka sheekeynaya fidnadan oo kale, waxaana uu yiri ninkii geel lahaa geeliisii ha aado, kii ari lahaana arigiisii, kii beer lahaana beertiisii!.

Wiilkii Cumar ahaa Reer Banuu Umaya ayaa u ballan qaaday in magaalo madax looga dhigi doono, waxaana uu soo hoggaamiyey ciidankii diley Xuseen Ibnu Cali (Awlaadii rasuulka CSW).

Nebiga CSW waxa uu yiri Fidbnooyin baa iman doona kan ka fariistaahi uu ka khayr badan yahay kan u istaaga, kii u istaagaahina uu ka khayr badan yahay kan u socda, kii u socdana uu kii fiican yahay kan. Qofkii u madaxtaagaa {fidnadaas} (u hanqaltaaga) way soo doonanaysaa, qofkii ka gabbadana wey dhaafaysaa. Qofkii helaya meel uu ka galo haka galo. Xadiis kalena waxa uu Nebiga CSW ku sheegey in fidnooyinku ay isaga daba iman doonaan sida hirka badda oo kale oo midiba midda ay ka dambayso ay ka sii daran tahay,

Sida uu weriyey C/hi Bin Cumar, Waxa uu yiri Nebiga CSW 'Qofkii hubka noo qaata si uu noola diriro (Muslimiinta dhexdooda) nagama tirsana'.

Waxaa weriyey Xudeeyfa Bin Al-Yamaan: Xudeeyfa waxa uu yiri 'dadku waxa ay weydiin jireen Rasuulka Alle (SCW) waxa wanaagsan aniguse sharta ayaan ka wareysan jirey si aan uga gaashaanto, markaasan ku iri 'Rasuulkii Allow, Waxaan ku noolayn Jaahilnimo iyo nolol dullinimo aad u hooseysa ah, kadibna Allah ayaa nasiiyey nimcadaan (Islaamka) xumaan miyaa wanaagaas ka dambayn doonta? 'Haa' ayuu yiri Nebigu (CSW), markaas baan irir 'Xumaantaas wanaag miyaa ka dambayn doona' 'Haa, laakiin ma ahan wanaag saafi ah' markaasaan hadana weydiiyey, oo maxay yihiin waxa ku laban [oon saafinnimada ka qaadaya]. Waxa uu yiri Rasuulka Alle [Waxaa jiri doona] dad aan wax ku hoggaamin doonin sunnadaydii, wax camalkooda ka mid ahna waad ku raaci doontaan waxyaalaha qaarna waad ku diidi doontaan' Markaas ayaan hadan weydiidyey markaas kadib shar [xumaan] miyaa hadana ka sii dambayn doonta? Wuxuu ku jawaabey Nebiga Alle CSW 'haa'. Dad baa irdaha naarta dadka ugu yeeri doona, qofkasta ee u rumeeya yeeridoodaas ee aqbalana, Naarta ayay ku tuuri doonaan' Markaas ayaan iri, Rasuulkii Allow ma noo tilmaami kartaa dadkaas; 'Waa dad dadkeenna ka tirsan [Muslimiinta] oo afkeenna ku hadlaya' ayuu yiri rasuulkii Alle. Xudeyfa, wuxuu yiri hadana. Waxaan weydiiyey Rasuulka 'Maxaad I faraysaa inaan sameeyo haddii xaaladani I qabsato intaan noolahay?' 'La soco oo haka leexan Musliimiinta iyo hoggaamiyahooda, haddii aysan jirin koox Muslimiin ah iyo hoggaamiye midna ka jeeso oo ka dhex bax dhammaan kooxaha, haba noqoto inaad cunto xididada geedaha e {Inta wax kale ood cunto weyso} illaa aad ka dhimato adiga oo xaaladaas ku sugan.

 

Waxaa Diyaariyey

C/qaadir Gutaale

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com