shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada ku caanbaxay ladirirka diinta Islaamka oo xalay ku xidhay wadaad Tol leh magaalda Gaalkacoyo balse maxaa ka raacay (Daawo).

(Gaalkacayo,  March 27,  2009 Ceegaag Online) 

Daawo Cajalada

Ciidamada sirdoonka (PIS) oo loo yaqaano Ashahaado la dirirka ee Maamul Puntland ayaa waxaaay shalay duhurnimadii ka qabteen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ka Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke waxayna ay u ku xireen Saldhiga magaalada Gaalkacyo. Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke ayaa waxaa ay ciidanka PIS ka qabsadeen isagoo maray wado u dhow Saldhiga Booliska waxaan markii la maqlay xariga wadaadka ka carooday dhalinyaro wadaado ah waxaan ay yimaadeen Saldhiga agtiisa iyagoo hubaysan soona qarsaday wajiyada ,dhalinyaradaan ayaa xiray wadadda soo gasha Saldhiga ,dadweye ka caraysan xariga wadaadka ayaa soo buux dhaafiyey Saldhiga agtiisa.

Dhalinyarada Wadaadada ah iyo rag kale oo ay wadaadka isku hayb yihiin ayaa waxaa la hadlay Caaqil C/wahaab Maxmuud Gurey iyo Nabadoon Siciid Xusseen Nuur-dirir (Siciid Lugool) waxayna ay la hadleen dadkii caraysnaa iyagoo ku guulaystay in ay kala diraan ,waxaa kale oo ay odayaashu ku gulaysteen in ciidanka PIS ay damiin ku soo daayaan Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke oo isla xalay laga sii daayey Xabsiga magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha dhaqan ee magaalada Gaalkacyo ayaa digniin u jeedshay Ciidamada (PIS) waxaan ay uga digeen falalka guracan ee ay kula kacayaan culimada diinta faafisa oo aysan ku hayn wax danbi ah

Sh.C/raxmaan Jamac Tukke ayaan ahayn markii ugu horaysay oo ay qabtaan ciidanka PIS ,sheikh ayaa waxaa horay loo xiray waqtigii uu Madaxweynihii hore ee DFKM  C/laahi Yuusuf uu ka talin jioray Puntlland

Ciidanka PIS ee magaalada Gaalkacyo ayaa isla xalay waxaa ay weerareen guri uu deganaa wiil dhalinyaro ah oo ka yimid dalka Swedan waxaan ay sheegeen in ay uga shakisan yihiin wax ay ay ugu yeeraan argagixsnimo

Dadweynaha ku dhaqan Puntlland, culimada Isimada iyo waxgarad kale ayaa ku eedeeyey in Ciidanka PIS ay fulinayaan ajandayaal looga soo yeerinayo dalal shisheeyey waxaan ay doonayaan in ay burbur iyo fowdo ka abuuraan Gobollada Puntlland ee ay xasiloonidu ka jirto.
 

Source: TV. ETN(Cajalada)/Afnugaal(Qoraalka)

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com