shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Burundi oo Ciidamo kale oo nabad ilaaliyayaal ah u soo dirtay Soomaaliya Ciidamadii

(Muqdisho.  March 04,  2009 Ceegaag Online) 

Ciidamo cusub oo ka socda dalka Burundi ayaa lagu kordhiyay ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, iyadoo talaabadan ay kusoo beegmaysaa xili qaraxyo ismiidaamin ah lala beegsaday todobaadkii tagay ciidanka Burundi.

Diyaarad nooca milateriga ah oo wada ciidamo gaaraya 500-askari ayaa maanta [Mar 03] soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sid ay Radio Garowe u sheegeen saraakii ka tirsan maamulka Adan Adde International Airport.

Xukuumada Burundi ayaa dhawaan sheegtay inay ciidamo xoojin ah u soo dirayso Muqdisho, kuwaasoo qayb ka qaadanaya howlaha nabad-ilaalineed ee Somalia, iyadoo saraakiisha AMISOM ay dhawaan sheegeen inay isdifaacayaan.

"Ciidamadu waxay wateen hubka fudud, ma jirto wax qalab ah oo ay diyaarada saarnaa, waxaana hakad la geliyay howlaha garoonka intii ay ciidamadu dagayeen" ayuu yiri mas'uul ka tirsan saraakiisha garoonka Muqdisho oo magaciisa qariyay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com