shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada uu horkacayo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shaqadeedii ka bilowday Magaalo madaxda Muqdisho.  

(Muqdisho, March 01,  2009 Ceegaag Online) 

Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee uu raysalwasaaraha ka yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shaqadeedii si rasmi ah uga bilowday magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay isgu yimid Gole wasiiradoodkoodii ugu horeeyay iyadoo laysla qaadaa dhigay sidii loo sugi lahaa amaanka Koonfurta Soomaaliya siiba kan caasimada, iyadoo carabka lagu adkeenayay in wadahadalo ay dawladu ku dhameeso dhamaan khilaafaadka jira.

Sidoo kale Raysalwasaare Cumar C/rashiid ayaa ku booriyay xubnaha golaha wasiiradiisa inay dardar galiyaan qiimaynta burburka Gaadhay Wadanka lagasoo bilaabo sanadkii 1988 dii.

Rasalwasaaraha iyo qaarkamida Golihiisa wasiirada ayaa durdaba bilaabay inay qiimayn ku sameeyaan burburka ay dalka gaadhsiiyeen Jabhadihii sida arxan darada ah u barakiciyay, u xasuuqay shacabka reer Muqdisho.

Kooxahaas oo wali intii u danbeesay iyagoo shaati diimeed ku hoos jira wali xasuuq la dabo taagan shacabka Soomaaliyeed siiba kuwa reer koonfureenka.

Raysalwasaarahan dada yar ee haysta taageerada caalamka iyo tan madaxwaybaha Soomaaliya ayaa lagayaabaa inuu ku guulaysto inuu biloobo dib u dhiska wadankeenii hooyo oo haatan soogaadhay isgoysii Isgowraca ama Isbadbaadinta.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com