shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayla badeeda oo lasumeeyay iyada oo maraakiinta shishiiyana ay dul hoganayaan xeebaha Soomaaliya yaa badeena sumeenaya?

(Bayla, G.Karkaar.  March 01,  2009 Ceegaag Online) 

Wararka inaga soo gaaraya Xeebta degmada Bayla ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in halkaasi uu kusoo caariyay Haan Booyadeed, Haantaa ayaa Argagax galisay dadkii deegaanka deganaa  haantan oo ay ka buuxaan sunta khashinka hadhaaga warshadaha.

Gudoomiyaha degmada Bayle Faarax C/lle Cabdi oo ka hadlay arrintan ayaa waxaa uu sheegay qatarta ka dhalan karta hadii ay dilaacdo haantan taasoo sidoo kale walaac fara badan ay ka muujinayaan dadweynaha ku nool hareeraha xeebta.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan ayaa ka cararay deegaanadooda si ay uga fogaadaan qatarta ka imaan karta haantan oo suurtagal ay tahay in ay dilaacdo.

Haan booyadeedkan ayaa lasheegayaa in ay tahay cabir ahaan mid qaadi karta illaa 90-fuusto oo biyo ah isla markaasina la dareemi karo sunta ay xambaarsantahay, waxaana loogu baaqay hey’adaha in ay kasoo gaaraan suntani oo ay dib u eegaan.

Horey ayaa xeebaha Soomaaliya loogu arkay haaman sidani oo kale ah inkastoo hey’ado dalka soo gaaray ay haamahaasi u qaadeen goobo aanan la ogeyn lakin waxa uu kusoo beegmayaa xilli xeebaha Soomaaliya ay aad u soo dhoobteen Maraakiibta shisheeye ee sheeganaya in Burcad badeedka ay ka ilaalinayaan Xeebaha Soomaaliya si aysan maraakiibta u afduuban.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com