shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Axmed Walad Cabdala oo dunida u sheegay inay lagamaarmaan maanta tahay in la taageero dawlada Soomaaliya

(Nayroobi, Kenya.  March 13,  2009 Ceegaag Online) 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midaway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amedou Ould-Abdalla ayaa ugu hambalyeeyey xukuumada cusub ee Soomaaliya talaabooyinkii horumarka lahaa ee ay gaartay bishii la soo dhaafay, wuxuuna ku guubaabiyey xukuumada inay ku sii socoto wadada lagu gaarayo nabadda iyo xasiloonida.

“Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka baarlamaanka iyo Ra’isal wasaaruhuba waxay ka muujiyeen dhamaan dhinacyada oo dhan hogaamin mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay . xukuumada midnimada qaran lehna hadda waxay hadda ku howlgalaysaa caasimada halkaasoo ay ku shaqeynayso” ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdalla.  “Waxaan ku faraxsanahay xubnaha baarlaamka ee wadaniyiinta ah kuwaasoo ku noqday Moqdishu si ay halkaasi  shaqadooda uga sii wadataan, labada qeybood ee maamulkuba waxay ubaahan yihiin kaalmo la taaban karo diplomacyadeed  iyo mid maadi ah.

“Golaha wasiirada waxay kulmeen dhowr jeer waxayna isku raaceen talaabooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay hirgelinta shareecada Islaamka.

“Dhamaan arrimahan soo kordhay oo dhan ma ahan oo keliya kuwa un waxka geysanaayo u dhaqaaaqida dhinaca nabad ku soo celinta wadanka gudihiisa ah, laakiin waxaa kale oo ay gacan ka geysanayaan soo celinta magaca iyo muuqaalka ummadda Soomaaliyeed ee dibadda. Waqtigan hadda la taagan yahay, gebihaanba ma jirto wax cudurdaar ah ee u ogolaanaya ruux kasta oo Soomaali ah inuu sii wado shirqoolka lagu burburinaayo nolosha dad Soomaaliyeed oo hor leh”.

OULD-ABDALLA wuxuu sheegay inuu hadda socda qorshe lagu qabanaayo shirkii labaad ee guddiga arrimaha heerka sare  kaasoo shaqadiisu ay tahay inuu hoos u eego iskaashiga siyaasadeed, cadaalada iyo dib u heshiisiinta waxaa kale oo uu sheegay in waqti dhow laqab doono shir uu yeelan doono guddiga wadajirka arrimaha nabadgelyada  .

“Waxaan ku faraxsanahay inaan arko in Soomaalida intee badan oo isla jirta oo wada shaqeynaysa markii ugu horeysay  mudo badan kana shaqeynaysa ariimo muhiim u ah mustaqbalkooda”. Ayii yiri OULD-ABDALLA. “Bulshada caalamku, waa in ay dhinaceeda gudataa waajibaadkeeda si buuxdana u taageertaa xukuumada cusub. Kaalmadan aan ka hadlayo maahan mid mustaqbalka ee waa mid hadda loo baahan yahay.  Ma jirto wado kale oo aan ahayn in la taageero maamulkan loona mariyaa isaga kaalmada dadkeeda ku socota.

“ Madaxweyne Axmed wuxuu kaalmo balanqaadyo ah ka helay Afrika, Bariga dhexe, Yurub, Mareykanka iyo meelo kale  waana talaabo aad geesinimo gelibteeda u leh. Soomaaliya hadda si buuxda ay dib ugu soo noqotay ajanada bulshada cxaalamka waxaana arinteeda ka hadli doona Golaha Amaanka 20 Maarso sidoo kalena  waxaa looga hadli doonaa  kulan madaxeedka soo socda ee wadamada Carabta laguna qaban doono QADAR”.

Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir:Public Information Officors, UN Poilitical Office forSomalia (Nairobi, Kenya).
 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com