shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Urur Haweeneedka Isjecel iyo Hayscabudhin ee reer Boston oo Xaflad aad u balaadhan u sameeyay Xildhibaan Faadumo Daahir Aadan

(Boston.  March 01,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay aqalka xafladaha ee magaalada Jamaica Plain ee gobalkan Massachusetts xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka wada qayb qaateen labada urur Haween ee ka dhisan magaalada Boston.

Labadan urur oo lagu kala magacaabo Isjecel iyo Stress-out (Hays Cabudhin) ayaa siwada jir ah ugu soo dhaweeyay Xildhibaan Faadumo Daahir Aadan oo kamida xildhibaanada dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyadoo booqsho ku timid magaalada Boston ee caasimada gobolkan Massachustes.

Xildhibaan Faadumo oo lasoo xidhiidhtay Ceegaag Online ayaa u mahad celinasa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston iyadoo xasuusinasa in looga baahan yahay inay dalkooda Soomaaliya u hiiliyaan iyada oo tidhi 'dalkeenii Hooyo wuxuu soo gaadhay isgoys uu ku Gawracmayo oo uu Kharidada aduunka uga baxayo ama aynu ku dabo qaban karno' waa hadalka sida ay udhigtay e.

Xildhibaan Faadumo ayaa lafilayaa Maanta inay reer Boston kala qayb qaadato Dabaaldage ay ku taageerayaan Xukuumada Soomaaliya oo ka dhici doonta Qalka Shirarka ee Toobin.

Dadwaynaha reer Boston ayaa nasiib u yeeshay inay maanta haystaan oo ay la joogto xildhibaan ka mida xildhibaanada ugu miisaanka wayn xildhibaanada Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com