shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaalida reer Mareekaneey ma ogtihiin faraqa u dhexeeya Labdii nin ee Soomaaliyeed ee Aqalka Sanetka Warbixinta Siiyay?

(Boston.   March 15,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Sitimaankii tagay warbixin siiyay aqalka sare ee senetka  labanin oo Soomaaliyeed oo degan Gobolka Minneapolis. Warbixinadan waxay ahaayeen laba war bixin oo iska soo hor jeeday sida caadiga ah, waxay ahaayeen laba figradood oo Soomaalida banaanka u yaala oo sicadaana aynu uga wada dharagsanyihiin.

Marka dhibaato dhacdo lama yidhaahdo siday ku dhacday balse waxaa laysku dayaa in laga feejignaado sidii aysan dhibaatadan mid la mid ahi u dhicin mar danbe.

Rasuulkeena Maxamed ayaa waxa uu Yidhi (Nabdgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) "Ninka Islaamka ah isku God labojeer lagamawada qaniino" sidaa awgeed dhibaatadii ka dhacday magaalada Hargaysa ee uu sameeyay wiil Soomaaliyeed oo ka tagay wadankan Mareekanka waa arin aan layska indho tiri kartin.

Soomaalida reer Mareekaneey Waxaa laydinku shaabadeeyay inaad tihiin Argagixiso aan Abaal lahayn waayo wixii abaal ahaa ee Mareekanku inoo sameeyay waxaa hada laynaga dhigayaa inaynu ugu badalnay inaynu khalkhal galinano nabadgalyadii aynu wadankan u soo doonanay ee aynu ka waynay wadan keenii Soomaaliya.

1. waxaan leenahay Cismaan Axmed ha raali galiyo shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa reer Boston oo ku caan baxay xurufsiga  ku salaysan Xoogsiga xalaasha ah iyo Waxbarashada. waxaan u sheeganaa ninkaa inuu warbixin qaldan ka dhiibay reer Boston waxaanuna leenahay mareekanka CID dii Soomaaliya oo kale kama jirto, qof walbaabana waa xor, wixii uu doonana wuu sameen karaa, wixii qof sameeyana isagaa ka masuul noqda, xitaa Aabihii, Hooyadii walaaladii shaqo kuma yeeshaan qofku waxa uu sameeyo. Ilmaha inaga wada maqan waa arin u taala dadka ay ka maqan yihiin run ahaantiina waa guul daro ay waalidiintood iska leeyihiin, balse shacab ahaan waa inaan uun u dhibyareenaa ciidamada amaanka inaan cidina carqaladeenin nabadgalyadan aan wadankeenii ka waynay ee aan wadankan ka helnay.

Cusmaan Axmed Sheekh

Akhriso warbixintiisii oo Ingiriis ah. Riix

2. Cabdiraxmaan Mukhtaar waxaan uga mahad calinayaa sidii uu uga hadlay dhibaatada Soomaalida ka haysata Qurbaha wadan kasta oo ay qaxooti ku noqdaanba. Waxay ahad warbixintaadu mid ay ku dheehneed Jacaylka aad u qabto dadkaaga iyo wadankeenan Cusub ee Maraykanka.

Cabdiraxmaan Mukhtaar

Akhriso warbixintiisii oo Ingiriis ah. Riix

Ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa inaynu ka feejignaano Soomaali ahaan inaynu ogolaano qeexidaa nalagu qeexay Al-shabaab oo u adeega cid aan la garanayn, oo aynu maanta aragno inay xitaa is hortaageen Madaxwayne Sh. Shariif oo buuxiyay dhamaan shuruudihii ay ku diidanaayeen.

Soomaalida reer Mareekan waa dad og abaalka iyo soodhaweenta ay ka heleen dadwaynaha ku dhaqan wadankan Mareekanka, waa dad aan si dhibyar loo baacsan karin, waana dad aan yeeli doonin in la maqlo oo danahooda loo xilsaaro dad doonaya inay curyaamiyaan horumarka aan ka hiigsanano Soomaali ahaan wadankan Mareekanka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com