shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaynaha Dalka Suudaan oo soo dhaweeyy dhigiisa Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

(Kartuum,  March 23,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa magaalda Khartuum ka dhacay kulan dhex maray labada madaxwayne ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo ka wada hadlay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa sidii ay lugeheeda isugu taagi lahay.

Madaxwayne Albashiirka Suudaan ayaa ka codsaday madaxda Afrika inay boodhka iska jafaan caawiyaana walaalahooda Soomaaliya halka uu Madaxwayne shariifna Radiyay go’aankii maxkamada aduunka ee lagu karantiimeenayay madaxwaynaha reer Suudaan.

Madaxwayne Sheikh Shariif ayaa u ambabaxay wadanka Eretriya halkaa oo uu shirkula galidoono dhigiisa Aseya Afawaki. Shirkan ayaa la filayaa inuu madaxwayne Sheekh Shariif uga faa’idaysan doono inuu ku qanciyo ninka ay isku Qabiilka yihiin ee Sheekh Aways inuu u hogaansamo Dawlada uu hada hagayo Sheekh Shariif.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ilaa hada ku guulaystay inuu Karantiimo siyaasad ahaan  dibada iyogudahaba dadka ku kacsan dawladiisa, dadkaa oo ilaa hada ku guulaystay uun inay sii xoojiyaan taageerada dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba u hayaan Dawlada Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com