shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afhayeenka Dagaalyahanada ONLF oo wax kama jiraan ku sheegay sheegashada dawlada Itoobiya ee ah inay Soomaali galbeed ka sifeeyeen ONLF.

(Qadar.  March 20,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxa Warfaafinta  Dagaalyahanada ONLF Xuseen Nuur ayaa isga oo jooga dalka Qadar kula hadlay  warbaahinta ayaa beeneeyay war dhawaan ka soo baxay dowalad Ethiopia ee ku aadanaa in dagaalo ka dhacay dhulka Soomaalida Galbeed  todobaadyadii  la soo dhaafay  ay ku dileen saraakiil farabadan oo ka tirsan Jabhadaasi.

Xuseen nuur ayaa ku sheegay Hadalka ay dawlada Itoobiya ku sheeganaso inay ONLF ka sifeeyeen Goobo badan mid ay ku marin habaabinasa shacabka dhibanayaasha ah ee reer Itoobiya. Isagoo tilmaamay inay dhamaan gacanta ku hayaan goobihii dagaaladu ka dheceen oo ay dhamaan ku jabiyeen cadowga Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigay e.

 

Xornimo raadinta reer Ogaadeeniya ayaana taaba gali karin ilaa gacan laga helo Soomaalida kale ee reer Soomaali Galbeed, Maamulka Itoobiya ee Ogaadeeniya ayaa iminka ku soo ururay Magaalada Jigjiga oo kaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com