shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Sheekh Shariif oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku soo maray wadamada Kenya, Ugandha, Burundi, Rwanda iyo Liibiya.

(Muqdisho,  March 27,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho dib ugu soo guryo noqday kadib markii uu safar dheer kusoo maray wadamada Afrikaanka ee ay ka mid yihiin Kenya, Ugandha, Burundi, Rwanda iyo Liibiya.

Madaxwaynaha ayaa si guul ku jirto waxa uu uga soo iibiyay wadamadan baahida balaadhan ee haysa Soomaaliya iyada oo uu balan qaaday inuu ka jibo keeni doono nabad ku soo celinta Caasimada Muqdisho iyo gaadhsiinta maamulkiisa dhamaan wadanka Soomaaliya.

Safarka madaxwaynaha ayaa u eeg inuu dareemay in Soomaaliya ku badbaadi karto in Afrikaanka laga garabsado Quwado isugu jira Carab, Wadamada Qarbiga iyo Afrikaanba oo qas iyo qalaaqul ka waday Soomaaliya, Dawladahan oo diidanaa in lasoo celiyo nidaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo.

Safarka Shariifka ayaa gaashaanka ku dhuftay dawlada Itoobiya oo is lahayd waxaad ku qoor sagaareendoontaa Koonfurta Soomaaliya iyada oo ay u eeg tahay in ay sii wiiqmayaan awoodii labada Maamul Goboleed ee Puntland iyo Somaliland, halka ay awooda dawlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif durdaba kaliftay in xabsiyada loo taxaabo Wadaadadii diinta ee reer Puntland halka ay Somalilandna ka kuurkuursanaso wajaahada waaqiciga jira aqbalikari la'dahayna waaga ku baryay.             

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com