shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo Diimeedka reer Muqdisho oo ka abaalko daray Halgankii Kooxaha Diimaha  iyagoo u nisbeeyay Qabaa iladooda kuwa aan asal ahaan u dhalan Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

(Muqdisho.  March 09,  2009 Ceegaag Online) 

Kooxo diimeedka reer Muqdisho oo markay gacanta ku dhigeen Xukunka Soomaliya ku eedeenaya kooxaha kale ee aan iyagu ictaraafin Maamulka Madaxwayne Sheekh Shariif inay yihiin niman Daarood iyo Raxanwayn ah  oo kasoo horjeeda Xukunka beesha Hawiye waasida hadalka ay u dhigeene.

Sheekh Cali Dul Yare ayaa sheegay in dhamaanba Ururuada Diimeed ee ka dhisan Soomaaliya ay yihiin kuwo ku gambanaya Kitaabka Alle balse ay u duugan tahay Siyaasad Maldahan oo Xukun Doon ah.

Baryahan danbe ayaa waxaa soo badanayay eedeemo iyo dhaleeceen loosoo jeedinayay Kooxo diimeedyada aan Hawiyaha ahayn ee ka dagaalamayay Muqdisho iyada oo dawlada Soomaaliya wali wadato Dastuurkii ay kooxahani ku diideen tii uu madaxda ka ahaa Col. Cabdullahi Yuusuf.

Iyadgoo reer Muqdisho iska indho tiraya mabdi ii ay dhalinyaro badan oo ku reer ahayd Madaxwaynihii is casilay ay ula dagaalameen inay wadato dawlada uu haatan hor kacayo sheikh shariif. Reer Muqdisho oo buubur iyo dhibaato badan kazoo gaadhay halgankii wadanka looga xoreeyay Itoobiya ayaa hada u muuqda inay meeshoodii kasii miisanayaan Qabyaaladii ay ku burburiyeen Soomaaliya.

Kaaxa Xoreeyay Muqdisho ayaa mutay in lagu sifeeyo qabaailada ay u dhasheen, iyadoo shacabka beesha Hawiye isla dhexmaraya SHABAAB waa Raxan weyn, RAASKAMBIINI waa  Ogaadeen, CAANOOLE waa Majeerteen, KHAALID BIN-WALIID waa Mareexaan.  Dhamaan Ururuadani waa kuwo Diinta ku gambanaya oo Xil doonayaal ah", waa  markii ay beesha Hawiye Xilkii Soomaaliya isku Hubsatay.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com