shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afhayeenka Baarlamaanka Siiriya MAXAMUUD Al-Abrash oo qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Aamir Dalxa.

(Dimishiq,  March 23,  2009 Ceegaag Online) 

Shirka Baarlamaadada Carabta ee aan ilkaha adag lahay ayaa ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, shirkan ayaa soomaaliya waxaa uga qayb galay wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka soomaaliya Maxamed Dalxa.

Waftiga Dalxa ayaa la kulmay dhigooda wadanka Suuriya Xalay iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa dawlad nimadii Soomaaliya iyo sida khaasatan ay dawlada Suuriya ka yeelaso dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan wadankeeda.

Dawlada suuriya ayaa balan qaaday inay Soomaaliya ka kaal mayn doonto sidii ay u sugi lahaayeen badeeda,  oo ku caanbaxday ugaadhsiga Budhcad badeeda iyo dadka ugaadhsanaya Budhcadbadeedaa. 

Waxaa kaloo laysla soo qaaday in loo baahan yahay in reer Soomaaliya iyagu usha u qabtaan nabad ku soo dabaalida Dalkooda.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com