shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Cusmaan Maxamuud Shire oo hada Booliska Boosaaso lagusoo wareejiyay, iyo fadeexad kusoo fool leh Farmashiilayaashii xadhigiisa ka danbeeyay.

(Boosaaso,  March 24,  2009 Ceegaag Online) 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadha magaalada Dakada leh ee Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada ladagaalanka Diinta Islaamka ee ku lamaan dawlada Puntland lagalasoo wareegay gacan ku haynta shakhsi Ganacsade Geedaha ku dabiiba dadka oo reer Boosaaso ahaa.

Sheekhan oo magaciisa layidhaahdo Cusmaan Maxamuud Shire ayaa looga shakiyay inuu xidhiidh la lahaa cid aan la shaacin cida ay tahay.

Dhaqaalaha Maamul gobaleedka Puntland ayaa hoos u dhacay tasoo keentay in dib loo bilaabo ka ganacsiga dadka diinta ehelka u ah iyada oo laga iibinayo Kooxo aan iyagu danayn nabadgalyada Soomaaliya.

Shaqsiyaadka loo dhoofiyo dadka sheegta inay raadinayaan argagixisada ayaa dib isaga soo daaya dadka loo iib geeyo iyaga oo ku xumeenaya dadkii soo iib geeyay tasoo geed ku sii laalasa nabadgalyada laga rabo inay ka hir gasho Soomaaliya.

Sheekhan ayaa la filayaa inay ka danbeeyeen weerarkiisa Farmashiilayaasha iyo dhakhaatiir aan sii daynayn magacyadooda hada oo ka cabsi qaba in dadku bilaabaan inay DAWO SOOMAALI  ISKU  DABIIBAAN.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com