shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jabhadaha ka dagaalamaya Soomaali Galbeed oo isku gudbay ka dhabaynta Riyadii Boqor MILILIKH.

(Soomaali Galbeed.  March 09,  2009 Ceegaag Online) 

Daawo Geesiyada Soomaali Galbeed oo ku damaashaadaya Guulaha ay soo hooyeen

http://www.youtube.com/watch?v=mjxoVMwasR4

Dagaalo culculus oo ay fooda wali iskula jiraan Jabhada Xoraynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa ka soconaya Guud ahaan Soomaaali Galbeed. Ciidamada Itoobiya oo jab iyo halaag kaga soo dhacay Muqdisho iyo Nawaaxi-geeda ayaa ka bilaabay inay gumaad ba'an la beegsadeen Soomaalida ku dhaqnayd sida Wardheer, Mustaxiil, iyo Dhagaxbuur.

Mar aanu la xidhiidhnay Magaalada Goday ayaa naloo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada aan xadka lahayn ciidanka Itoobiya ku hayeen ay iminka gadoodsan yihiin iyaga oo hada si toos ah u doonaya inay helaan Xoriyadii laga Xaqiray sanadkii 1956 markii Ingiriisku ka baxay Balantii uu Ogaadeenka Odoyadooda la galay 1887 kii. Heshiiskaa oo ahaa marka Ingiriisku ka boxo wadanka Soomaaliya uu Soomaali galbeed wadan ahaan u aqoonsan doono.

Wiigii tagay ayaa Si neflacaarino ah waxaa milatariga Itoobiya diyaarado ugu weerareen Tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha iyaga oo laayay dad iyo duunyaba wixii ay ishoodu qabatay. Dagaaladan culculus ee jabhada Xoraynta Soomaali Galbeed ayaa waxaa sabab u ah kadib markii uu gudaha galay Gudoomiyaha Jabhada Maxamed Cumar Cusmaan taasoo sahashay hagida Hogaanada Jabhada oo si aada ugu Baahsan dhamaan Dhulka Soamaali Galbeed.

Waxaa dhamaan Soomaalida reer Soomaali Galbeed iyo kuwa Xorta ahba laga Codsanayaa inay taakuleeyaan Halganka Xornimo Doonka ah ee Reer Soomaali galbeed kaga Horjeedaan dawlada Itoobiya, Halganka oo Gabaad u ah dhamaan reer Soomaaliya waayo waa Halganka kaliya ee u diidan in Itoobiya isku Balaadhiso Mandaqada Geeska Afrika.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com