shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Sheekh Shariif oo ka degay Bijunbuura caasimada Burundi.

(Bujunbuura.  March 11,  2009 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha dawlada kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kadegay xalay fiidkii magaalo madaxda wadanka Burundi ee Bujunbuura.

Madaxwaynaha ayaa ku booqday Isbataalka lagu daaweenayo Askardii reer burundi ee lagu weeraray Muqdisho isaga oo uga tacsiyadeeyay dhibkaa kasoo gaadhay nabadaynta Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa lafilayaa inuu mahad caliyo reer Burundi tageerada ay u fidiyeen shacabka reer Soomaaliya, warar ay isla dhexmarayaan dadka madaxwaynaha u dhaw dhaw ayaa sheegaya inuu madaxwaynuhu ka codsan doono inay Burundi ciidamadeeda ka soo daad gureesato Soomaaliya.

Galaha wasiirada ayaa shalay ansixiyay ku dhaqanka shareecada Islaamka, madaxwaynuhuna wuxuu dalka ka saarayaa ciidamada nabd ilaalinta u joogay si loo raali galiyo kooxaha diidan Dawladan oo iyagu hoosta kala socda una eeg in ay iyaga iyo dawladu wax wada doonayaan.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com