shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga Al_shabaab oo maanta hawlgalo ay ka fuliyeen Suuqa bakaaraha ku soo qabtay Cunooyin Dhacay.

(Muqdisho.  June 29,  2009 Ceegaag Online)

Urur diimeedka alshabaab ee ka arrimiya inta badan koonfurta iyo bartamaha somalia ayaa waxay hawlago ka fuliyeen maanta oo Isniin ah suuqa ugu wayn somalia ee bakaaraha kuna yaala magaaladda caasimadda ah ee muqdisho.

Xoogagga Al-Shabaab oo gudaha u galay mid ka mida bakhaaradda waaweyn ee suuqa bakaaraha ayaa waxay ka heleen waxyaabo ka mida cuntooyinka quutul daruuriga ah ee isugu jira Boorash iyo Bur dhacay kaasi oo in muddo ah ku xaraysna suuqa Bakaraha.
 
Sheekh Cali Max’ed Xuseen Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir oo Saxaafadda u waramaayay ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah Raashinkaasi dhacay ee ay ciidamadoodu qabteen, wuxuuna sheegay in manta howlgalada ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha uu ahaa mid ay horay u soo sahmiyeen, iyagoo cadeeyay in ilaa 5-baqaar oo ay ku jireen Raashin, Daawo iyo waxyaabo kale oo dhacay, kadibna ay ciidamadooda u suurtagashay inay waxyaabahaasi dhacay soo qabtaan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakatul Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen ayaa sidoo kale cadeeyay inay digniin u jeedinaayaan Bakhaarada kale ee ay ku jiraan raashinka iyo Dawooyinka dhacay, waxaana ganacsatada loo qabtay Muddo 5-maalmood ah inay raashinka dhacay ku soo banhigaan ee Bakharadooda ku jira.
 
Sidoo kale Gudoomiyaha dhinaca Gobolka Banaadir ee Al-Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen waxa uu ogaysiiyay Ganacsatada Maqaayadaha iyo kuwa biyaha in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda iyo Bilicda goobaha ay ku ganacsatadaan, islamarkaana ay ilaaliyaan waxyaabaha wax u dhimaya Bilicda Magaalada.

Marka la isku soo xooriyo hawlgalka caynkaani oo kaleeto ah ayaa u muuqda mid ay doonayan inay ku soo jiitaan dadka shacabka waxaana muuqata in inta badan ay muqdisho ka arrimiyan xoogaga dawladda ka soo horjeeda maadama ay muuqato Controlka guud ee ay ku hayaan magaaladda caasimadda ah ee muqdisho mana ah markii ugu horaysay ee xoogaga islaamiyinta ah fuliyaan hawgalo caynkaani oo kaleeto ah balse waxay jiray hawlgalo ay fuliyeen iyagoo sheegay inay ku dabakhayaan shariicadda sida nin shalay lagu rajmiyay wanlaweyn gobolka shabeledda hoose iyo rag gacmaha iyo lugaha laga jaray.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com