shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hoos u dhaca dhaqaalaha aduunka oo saameyay Xawaaladaha Somalida.

(Soomaaliya.  June 24,  2009 Ceegaag Online)

██Wadamada sicir bararku hadheeyay (Labo rubuc sandeed oo isku xiga)

██Wadamada sicirbararka looga baqayo (rubuc sanadeed)

██Wadmada dhaqaalohoodu oos u dhacay  1.0%

██Wadmada dhaqaalohoodu oos u dhacay 0.5%

██Wadmada dhaqaalohoodu oos u dhacay in ka badan 0.1%

██Wadmada dhaqaalohoodu kor u kacayo (Soomaliya ayaa ka midah)Source 

Iyadoo inta badan dunida uu ku jiro waxa loo yaqaan (Financial Crisis) ayaa hadana waxaa soo baxaysa in unuu saameyay Malaayiin Soomaali ah iyadoo ay wadanka Soomaaliya ka jiraan 20 sano oo dagaal aan kala go'lahayn ah sida uu waraysi ku bixiyay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramadda Midoobay.
 
Mark Bowden,Madaxa bani'adanimo ee qaaramadda Midoobay ayaa sheegay in hoos udhac ku yimi xaga maaliyada ah xawaaladaha somalida oo si xoogleh ugu tiirsanayd lacagaha somalida dibada joogta soo diraan taasi oo hadana ay muuqato inay saameyso sicirka kor u kacay ee qiimaha.


"Lacagaha ay soo diraan somalida Qurbo joogta ah waxaan ognahay inay hoos u dhacday 25% iyadoo xawaaladuhu ugu yaraan bishii ku soo dhici jirtay 1 Billion oo somalia loo soo diri jiray" ayuu yiri Mark Bowden oo u waramayay Wakaalada Wararka ee Reuters.


In ka badan 1 Million oo somalida dibadda joogta ah aya yareeyay dhaqaalihi ay usoo diri jireen Geeska Africa iyadoo xawaaladaha lacagaha la soo dhigo ugu yaraan afar melood oo saddex meel ku tiirsanayen lacagaha loo soo diro shacabka.


"Qurbo joogta somalida ah ugu horaytii waxaa saameyay Dhaqaale burburka maxaa yeelay wadamadda kale somalida joogta waxay u muuqata inay yartahay waxaa ay Professional u leeyihin ama Experience ay ku shaqaystan iyadoo shaqo la'aanta jirtana ay aad u dhintay shaqooyinka qaar ee somalida joogta Europe iyo Americe"ayuu yiri Bowden.


Qiyaas ahaan 3.4 million somali ah ayaa ku xiran Cunooyinka Gargaarka ah wadanka somalia waxaa soo wajahday Abaarti ugu xumayd iyo Carqalado aad u xun taasi oo xaalada sii adkaysay. Ku dhawaad 300 ayaa la dilay bishan in ka badan 120,000 ayaa ka cararay Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ilaa intii Islaamiyinta somalia kor u qaadeen weerarada ay doonayaan inay ku afgambiyaan Dawlada somalia.

Madaxa Bani'aadanimo ee Qaramadda midoobay oo waraysi siinayay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in Nabad la'aanta iyo abaarta kor u kacay ay kor u qaaday sicir bararka ka jira somalia 300%.
"Waa sanadkii ugu xumayd somalia sababaha kororka Dagaaladda iyo dhaqaale burburka,Abaarta"ayuu yiri taasi waa khatar dhaba iyadoo ay dhici karto inay ku sii tiirsanadan Gargaarka Bani'aadanimo.


Kooxaha hubaysan ee dagaalka kala soo horjeeda dawladda KMGah kee maamula Inta badan magaaladda caasimadda ah ee muqdisho iyo magaalooyin kale ayaa uu ugu baaqay Bowden inay soo dhaweyen gargaarka bani'aadanimo si loola tacaalo dadka dhibaataysan.


In badan 12 oo ka mida shaqaalaha gargaarka wadda waa la dilaa qaarna waa la afduubtay intii lagu jiray sanadkii 2008 xaaladaha ka jira somalia awgood. Bishan UNICEF ayaa ku eedaysay alshabaab inay cunaqabataysay hawlihi hayadan iyagoo la wareegay goobihi shaqadda ee magaaladda jowhar taasi oo dhibataysay 40 caruur ah.
 

 Bartilmaamedka Qaramadda midoobayna waxay balanqaden in ay ku kordhin doonan $984 million laakiin saddex meelood halmeel ayaa waxa bixinaya deeq bixiyayaasha caalamka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com