shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad ballaadhan oo so heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee 26ka June 1960 ayaa ka dhacday magaalada Edmonton ee dalka Canada.

(Edmonton.  June 26,  2009 Ceegaag Online)

Xafladdaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen ururada SCERDO, ASCC iyo ASAAS ayaa lagu soo bandhigay taariikhdii loo soo maray halgankii gobanimo doonka Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhdii Daraawiishta, Axmed Guray, SYL, SNL, USP, dagaalkii Soomaali galbeed ee Itoobiya lala galay kacaankii 21, Octoober, burburkii iyo jabhadihii dalka ka kacay dhibaatadii ay gaysteen.

 Waxaa madasha xafladda lagu soo bandhigay Film laga sameeyay taariikhda Soomaalida oo ka soo bilaabmay sanadkii 1903 illaa 2000kii. Xafladdaas oo uu daadihinayay Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil, oo ku xeel dheer cilmiga suugaanta Soomaalida ayaa waxaa markii hore hadallo isugu jira soo dhawayn iyo hambalyo ka jeediyay isagoo ku hadlaya magaca 3da  urur ee soo qabanqaabiyay xafladda Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah guddoomiyaha hay’adda SCERDO isagoo u mahadceliyay dadwaynihii ka soo qayb galay xafladaas isla markaasna kula dardaarmay dadwaynihii ka soo qayb galay in ay joogteeyaan xafladdan waayo ayuu yidhi waa maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay dhulka Soomaaliya, balse in dhawayd laska illaaway iyadoo lagu baddalay munaasibado lagu dhisay caaddifad qabiil iyo gobolaysi taas oo wiiqday sumcaddii iyo jiritaankii qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa isna halkaas hadallo duco iyo waano ah ka soo jeediyay Shiikha magaalada Edmonton sheikh Cismaan oo isna aad ugu dheeraaday muhiimadda midnimada iyo wadajirku leedahay. Waxaa ku xigsaday Dr. Maxamed faarax oo ah aqoonyahan ku xeeldheer taariikhda Soomaaliya kana soo sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray halgankii gobonimadoonka Soomaaliyeed. Waxaa isna goobtaas ka hadlay Dr. Cali daahir oo ah professor wax ka dhiga jaamacadda Alberta University isagoo aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay munaasibaddani iyo sida aqoonyahannadii, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed uga jibinkeeneen xorriyaddii Soomaaliya oo uu sheegay in aysan ku iman dhayal, balse dhiig badan loo daadiyay.

Dr Maxamed Jimcaale oo ah guddoomiyaha ururka ASAAS ayaa isna ka hadlay xafladdaas kuna dheeraaday sidii dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed uga qaybqaateen halgankii hubaysnaa eel ala galay gumastayaashii Ingiriiska, Talyaaniga, faransiiska iyo Xabashida. Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka reer Edmonton in ay midoobaan kana shaqeeyaan badbaadinta carruurtooda kuna barbaariyaan dhaqankooda iyo diintooda. Duuliye sare Maxamed Axmed Xirsi (Cawil) isla markaana ah guddoomiyaha guddiga odayaasha ee jahliyadda Edmonton ayaa isna halkaas ka soo jeediyay khudbad aad loogu riyaaqay oo taabanaysa urururadii, culumadii, isimadii iyo shakhsiyaadkii u soo halgamay xorriyadda Soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi.

 Cawil ayaa sidoo kale halkaas ka qaaday gabayo iyoheeso wadani ah oo dadkii xafladda isugu yimi aad u qiiro iyo xamaasad galiay iyadoo aad arkaysay in dadka qaarkii ilmaynayeen gaar ahaan markii uu qaaday gabaygii caanka ahaa ee uu tiriyay alla hau naxariistee Cabdillaahi Suldaan Tima-caddee ee KANNA SIIB KAANA SAAR. Ugu danbayn waxaa xafladdii soo gabagabeeyay guddoomiyaha ururka ASCC Jaamac Nuur una mahadceliyay dadkii xafladda ka soo qaybgalay kuna dardaarmay in ay ka soo qayb galaan xafladda 1da Luuliyo oo iyana la qaban doono maalinta Arbacada taas oo iyana si wayn loo soo abaabulidoono.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com