shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somalia oo maanta Xaalad degdega ku soo Rogay somalia Muxuuse ka yiri Ciidamadda Dawladu Bariday?.

(Muqdisho.  June 22,  2009 Ceegaag Online)

Sh Shariif Sh Axmed oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay Dalku inuu gelayo Maanta wixii ka bilowda Xaalad deg deg ah ama Marshal law.

Sharif sheikh axmed  ayaa markuu ka waramayay xaalada degdeg ah yiri ”la tashi badan iyo markaan Xaalada Dalkan markaan daraaseynay waxaan garwaaqsaney arintaas, laga bilaabo Maantana Dalku wuxuu gelaa Xaaladaas deg dega ah, Baarlmaankana waxaan ka codsanaa inay meel mariyaan wakhti kooban gudahiis”.

 
Go’aankan ayuu sheegay inuu qaatey isaga oo ka amba qaadaya soo jeedintii Golaha Wasiirada ee DKMG ah dhawaan isla gaareen una soo gudbiyeen.

Waxa u sidoo kale sheegay inuu go’aankan qaatey ka dib markii Dowlada KMG ah lagu soo qaadey Dagaalo uu ku sheegay kuwo Argagaxiso, Ujeedluna yahey sidii looga takhalusi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

 
Xilli go’an oo Xukunkan Deg dega ah ee uu Dalka ku soo rogay uu soconayo ama ku eegyahey kuma uusan soo hadal qaadin Shirkiisa Jaraa’id.

Beesha Caalaamka, gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD, AU, Mareykanka, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Urub & Qaramada Midoobay ayuu baaq ku aadan Dowlada KMG ah & Shacabka in la taageero u direy wuxuuna yiri:“Waxaa kaloo Xukuumadu Go’aansatey in Baaq loo jeediyo Dowladaha Aduunka gaar ahaan IGAD, Ururada Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub, Dowlada Mareykanka, iyo Qaramada Midowday & Beesha Caalamka in Soomaaliya gacan laga siiyo Xaalada adag ee ay ku jirto iyo Dowlada Soomaaliyeed”. Wuxuu kale intaa ku darey inay Beesha Caalamka ka codsanayaan si deg dega ah dhinac walba uga kaalmeeyaan. Shacabka ayuu ka codsadey inay garab istaagaan.

 
Dhanka kale Go’aankii Baarlamaanku ku dalbadey Ciidamo shisheeye oo deg deg ah lala soo gaaro ayuu taageeray wuxuuna sheegay inay noqonayaan kuwo Dowlada ilaaliya balse aan dhibaato u geysan Shacabka Sida uu hadalka u dhigay:“Ciidamada la dalbanaayo maaha Ciidamo Ujeedadu tahey inay dhibaato gaarsiiyaan Shacabka Ujeedadu waxay tahey inay badbaadiyaan isla markaasna ku shaqeeyaan aragtida Dowlada iyagoo daneynaaya danaha Shacabka Soomaaliyeed”. Wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa xilli uu qoyan yahey Dhigii Dadka Rayidka ee ka dhashey Duqeyntii ugu danbeysay ee Ciidamada AMISOM ka geysteen Xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, sidoo kalena Boqolaal kale Dhaawacyo kale duwan la jiifaan Isbitaalada.


Sababta Ciidamada shisheeye ku kaliftay xilligan inay dalbadaan ayuu ku sheegay inay tahey sidii uga difaaci lahaayeen Xoogaga ka soo horjeeda ee awoodeeda wiiqay.

Ciidamada AMISOM oo arintooda uu soo hadal qaadey ayuu sheegay Dowladu inaaney marnaba ka maarbin una baahan tahey intay ciidamo ku fulin ka sameysaneyso ayna difaac uga yihiin Xoogaga ka soo horjeeda.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin Shariif Sh Aadan, C/raxmaan Ibbi & Farxaan Cali Maxamuud ayaa ka mid ah xubnihii garab fadhiyay xilliga uu Shirka Jaraa’id Akhrinayay.

Dhawaqan cusub ee ka soo yeeray Sh Shariif Sh Axmed ayaan waxba uga duwaneyn kii Aadan Madoobe ku dalbadey Ciidamo Shisheeye oo deg deg ah oo lala soo gaaro, waxa ayna isu geynta go’aamadan waxba kama jiraan ka dhigayaan go’aankii horey Golaha Wasiirada  ku ansixiyay dhaqan gelinta Shareecada Islaamka sidoo kalena uu ku meel mariyay Golaha Baarlamaanku.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com