shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa yaabka yaabkii! Malez Zenawi"Taageero hiil iyo hooba waan la garabtaaganahay Dawladda somalia".

(Addis Ababa.  June 28,  2009 Ceegaag Online)

Raysalwasaare Atto:Malez zenawi oo warbaahinta ugu waramayay magaaladda adis-ababa ayaa u sheegay inay somalia la garabtaaganyihin taageero Hiil iyo hooba leh isagoo sido kale shalay la kulmay wasiirka maaliyadda dawladda somalia ahna raysalwasaare ku xigeen sharif xasan sheekh aadan.

Malez zenawi waxaa uu sheegay inay dawladda somalia ka taageeri doonaan arrimaha tababarka ciidanka iyo xoojinta awoodaha dawladda somalia waxaana uu sidaasi ku yiri warbixin ay baahisay Wakaaladda wararka ee dalka itoobiya "ENA'.

Wakaalladda Wararka ee dalkaItoobiya “ENA” oo Warkan baahisay ayaa sheegtay inay Meles Zenawi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ka wada wada-xaajoodeen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia iyo
qaabka ay DowladdaItoobiya uga taageeri karo DFKMGS dagaalladda ay haatan kula jirto Kooxaha Mukhaawamadda ee  Xarakatul-shabaab Al-mujaahidiin iyo Xisul-islaam.

Wakaalladda Wararka ee Ethiopia, waxay kaloo sheegtay inay labada dhinac isku waafaqeen inay muhiim tahay inay Beesha Caalamka ka taageeraan DFKMGS sidii loo soo af-jari lahaa Kacdoonka Kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka DFKMGS, ahna Wasiirka Maaliyadda, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagana ka hadlay Qaabillaadaasi ayaa sheegay inay Dowladiisa ku faraxsan tahay inuu sii xoogeysto Xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin Dowladda Ethiopia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu Ra’isul-wasaaraha dalkaItoobiya u bandhigay noocyadda ay yihiin Taageeradda ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya xilliga uga baahan tahay Dowladda Itoobiya

Kulanka Labadaasi Mas’uul, ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Maraykanka cadaadis xooggan ku saartay Dowladda Itoobiya inaysan xilligan gacmaha ka laabanin Dowladda Federalka oo  iyadu  ugu baaqday Dowladaha deriska inay Taageero Milliteri la soo gaaraan, si ay Dowladda isaga caabiyaan dagaalladda ay Xarakatul-shabaab Al-mujaahidiin iyo Xisul-islaam ku doonayaan inay Dowladda Federalka talada kaga tuuraan.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com