shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wa sidee Xaaladaha Nololeed ee Dadka ka soo barakacay Koonfurta somalia ee ku Sugan Puntland?SAWIRO.

(Puntland.  June 19,  2009 Ceegaag Online)

Koonfurta somalia waxaa halakeeyay Dhibaatoyin baahsan oo isugu jira Dhibaatooyin kaga Yimi raga hubaysan ee Qoryaha sita taasi oo kaliftay in amnigi faraha ka boxo hadaba waxaa ka soo cararay Konfurta somalia dad gaaraya 2million sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee Hayadda La socota dhaqdhaqaaqa qaxootiga aduunka UNHCR waxaana dadkaasi Beegsadan Meeshi ay is dhahaan waxaad ka helaysaan Gabaad iyo Nabadgelyo.

 

Dadka ka soo cararay Koonfurta somalia ee ku sugan puntland waxaa tiro ahaan la qiyaasayaa inay gaarayaan 85,000 oo qof waxaana dadkaasi degeen goobo ka samaysan Cooshado iyo Buushash halkaasi oo ay keensadaan wixii ay nolol maalmeedkooda ka soo shaqaystaan waxaana dadkaasi kala joogaan Magaaloyinka Bosaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo.

 

Bosaso:Dadkani ka soo cararay dagaaladda ka socda Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ay Badi ku sugan yihiin Magaaladda Bosaso ee Xarunta ganacsiga Puntland halkaasi oo lagu qiyaasay inay gaarayaan 45,000 in ka badan waxaana goobaha ugu caansan ay degan yihiin Kaamka loo yaqaan (Boqolka Buush) oo ku yaala bosaso kuwa kalena waxay dhex deganyihiin magaaladda iyagoo ka shaqaysta Magaaladda qaarkood waxay qabtaan shaqooyin Raqiis ah halkaasi oo qaarkood Tahriiban qaarna Ganacsi waaweyn ka samaystaan Gudaha Magaaladda Bosaso dhawaantan waxaa yimi Bosaso wafdi ka socda Hayadda UNICEF oo booqday Goobaha ay daganyihin dadka ka soo barakacay Koonfurta Somalia.

 

Qardho:Kaamka Shabelle waxaa uu ku yaala Magaaladda Qardho waxaana ku xaraysan dad farabadan oo ka soo barakacay koonfurta ay aafeeyen Colaadaha iyo Dagaaladda Muqdisho Hadaba Shabakadda Warbaahinta ee Ceegaag Online ayaa socdaal ku tagtay Goobtan iyo Goobo kale oo magaaladda ah halkaasi oo ay ku suganyihin Dadka ka yimi Koonfurta ee ku nool Magaaladda Qardho.

 

Kaamka loo Yaqaan SHABELLE waxaa uu ku yaal goob nadaafad ahaan aad u liidata waxaana ku yaala Guryo ka samaysan Boco iyo Cooshado kala duwan halkaasi oo aad moodid Magaalo u eke waxaan kula kulmay Oday lagu magacaabo Cabdi Ugbaad Faarax oo ah Gudoomiyaha Kaamka SHABELLE ee magaaladda qardho waxaana uu iiga waramay Xaaladooda Nololed "Runtii waxaan aad ugu mahadcelinayaa Xukuumadda Puntland iyo shacabkooda oo Magangalyo na siiyay Anaga waxaan nahay dad Dhibaato ku habsatay Waxan shaqsiyadayda Deganaa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Yaaqshiid waxaa iga keenay waa Xabad horta waa mahad ilaahay Nabadda puntland Waana uga Mahadcelinayaa shacabka reer puntland Nabadda ay haystaan Goobtani aan joogno runtii wan ku fiicanahay waxaan Raadsana Nolol Maalmeedkena si aan ugu noolano Goobta waxaa ku yaala Dugsi waxbarasho waxaana naga taageerta Hayadda Waxbarashadda ee AET waxaana wax ku barta arday Tiradoodu gaarayso 200-Arday Hayado dhawr ah ayaa naga Taageera Raashinka dhawr mar waxaa Deeq na soo gaarsiiyay Barnaamijka Cuntadda Aduunka ee WFP" Waxaa yiri Cabdi Ugbaad faarax.

 

kaamka oo markii aan soo galay ay muuqatay Nadaafad darro aada hadana waxa Jiray caruur yaryar oo uu soo ritay Cudurka Malaria oo ah cudur u badan dadka Degan goobaha Nadaafadoodu liidato waxana jira sida idiin muuqato Ilmo jiifa oo Nabar ka soo baxa ka muuqdo kaasi oo aan la garanayn waxa uu yahay marar badan noqda Kuwa u horseeda Ubadka Qaxootiga Geeri.

 

Marka laga soo tago Magaalooyinka Bosaso iyo Qardho oo aan Xogtani ka soo Ururinay waxaa jira Magaalooyin kale oo ay joogan Dadkani ay dagaaladu ka soo Eryadeen Guryahooda iyo Beerahoda Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo waxay ka mid yihin iyana Goobaha ay u badan yihin Dadkani soo Barakacayasha ah iyadoo dadkani ay Haysato Dhibaato Nololeed oo aad u liidata Qaarkood waxaa gacan siiya Barnaamijyadda Caalamiga ah ee ku sugan Puntland.

 

Qodobkani aan kaga sheekaynayno Akhristayaasha sharafta leh waxaa idiin soo ururisay Xogta Shabakadda Ceegaag Online .

 Daawo Sawirada

 

By:C/rashid Maxamed Daahir

Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com