shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Balmaxaa wada Goormay Yaman Soomaaliya ka nolol wacnaatay? UNHCR Sawir Rafaad leh ayaa ka Muuqda Tahriibayaasha Dalka Yaman(Warbixin).

(Boosaaso.   June 01 ,  2009 Ceegaag Online)

Xeebta Mareera ee Duleedka Magaaladda Bosaso Dawlad Goboleedka Puntland waxaa hareeyay Teendhooyinka dadka Tahriibayasha Somalida ah waxaana Dadkaasi yihiin kuwa ka soo barakacay Koonfurta Dalka somalia iyo waliba Qowmiyadda Oromadda ee Dalkasi Ethopia waxaana dadkaasi ay ku sugnaadan inta ay urursanayaan Lacago ku filan Magaladda Xarunta Dhaqaalaha ee Puntland Bosaso waxaana ay ka shaqeeyan shaqooyin raqiis ah sida xaaqida Guryaha Gurida Qashinka iyo sidoo kale Faagida Beeraha.
Dadkani ayaa Todobaadyo iyo Bilo ka dib waxay Bocohooda u Xirxirtaan sidii ay Dooni alwaxyo ka samaysan oo Tabaryar u raaci lahaayen si ay usii tagaan Xarunta Baayac Mushtariga dadka Tahriibaya ee MARERA.
 
Dadkani ba'aya Mudada intaasi le'eg ka dib waxaa ay u ambabaxaan Dhanka dalkasi yaman oo Deris dhaw la ah Xeebta Bada Cas(Gulf of Aden) waxaana raga wata Doonyahani ay dadkaasi ku caseeyan Shaabuug iyaga oo Rasaas hadba mar huwiya dadka saaran Donida Yar ee Tabarta Daran waxana Doon ka kooban laba Mitir saaran 200-oo qof Nimankani ayaa Ku daadiya Bartamaha Badweynta Dadkani Halkaasi oo ay ku Dhintaan intay Badda Saaranyihiin.
 
 
Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sanadkii aan soo dhaafnay oo keliya Xeebaha dalka Yemen ay gaareen Tahriibeyaal gaareeya 150,000 oo ruux.
 
War qoraal ay soo saartay Hay’addu waxay sheegtay in dadkaas oo qaab Tahriib ah ku galay dalkaasi Yemen ay u kala dhasheen Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Waxaana ay sidoo kale sheegtay in ay jiraan Dad kale oo uu dhashay Wadamo kale oo soo galay Wadanka Yemen oo ay ku jiraan dad Ciraaqiyin ah, iyadoo sheegtay Hey’addu in 102,000-qof ay yihiin Rag ah halkaa 47,000-qof ay yihiin Dumar, halkaa 1,000 ay yihin Carrur yar yar.
 
Sidoo kale Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in dadkaas intooda badan lagu xareeyey Xerooyin Qaxooti oo ku Yaala Wadanka Yemen. waxaana ay amaan uu jeedisay hay’addu Wadanka Yemen oo ay ku amaantay inay tahay Dowlad aad uu soo dhoweysa Dadka Muhaajirinta ee Magan galyo doonka ah ee gaaray dalka Yemen.
Hay’adda UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in tan iyo markii ay bilaabmatay safarada Tahriibka ee lagutago dalka Yemen ay wadankaasi gudaha u galeen dad gaaraya 70.000-ruux.
 
Dhanka kale Dowladda Yemen waxay sheegtay in sanadkan oo keliya ay Xeebaheeda ku dhinteen Tahriibeyaal gaareeya 161-qof, halkaa weli la la’ayahay 66-qof oo aan la aqoon meel ay ku dambeeyeen.
 
Sawirkani ayaa Tilmaan u noqon kara Tahriibayasha ka cararay Colaada isa soo Taraysa ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com