shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tababarka Dhalinyarada da'da yar ee Xagagaaga oo ay Soomaalida reer Boston ugu deeqeen ururka USA.

(Boston.  July 01,  2009 Ceegaag Online)

Waa markii ugu horeesay ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston ee waxbarashadooda ku dhamaystay carigan Mareekanka u hibeeyeen wakhtigooda qaaliga ah inay uga faa'ideeyaan dhalinyarada soo korasa ee Soomaaliyeed.

Waxay ka soo dhameesteen Dawlada ama isku soo dubo rideen mashaariic ay hore ugu guul dareesteen dadbadan oo isku dayay iyaga oo gacanta ku dhigay barxadaha ugu muhiimsan ee Xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Roxbury. Barxadahaa ay gacanta ku dhigeen Xagaagan ayaa waxaa kamida Barxada Kubada Cagta ee Jaamacada Wentworth Instituted of Technology.

Hadaba waxaa la ogay siinayaa waalidiinta daneenaya inay caruurtoodu maalin uun ku biiraan Cayaaraha Dunida ee kala duwan amaba noqdaan kuwo yeesha xirfad ay uga dabaashaan noloshan Mareekanka iyaga oo dhaqankooda gacanta midig ku haysta inaysan u daymo la'aan Fursadan ay inoogu deeqeen ururka United Somali Alliance amaba loo yaqaan USA.

Caruurta ka Faa'ideesan karta  fursadan da'doodu waa 12 ilaa 18 jir. iyada  oo ay hawshani bilaamaso 6da Julaay dhamaanasana 30ka Agoosto. Waxaa layka rabaa $20 oo Caruurta loogu sameeyo Teesare Aqoonsi iyo maaliyada ay ku ciyaarayaan.

Saacaadaha  5:00pm-8:00pm

Maalmaha: Isniinta, Talaadada, Arbacada, Khamiista iyo Sabtida

Goobta: Wentworth Institute of Technology University Field & Johnson Community Center

Cayaaraha: Alamiitada Baruur dhimida ah, Kubada kolayga, Kubada Cagta iyo ciyaaraha fudud siiba Fagaxda.

Waxaa kale oo laga dhisi doonaa Dhalinyarada soo korasa xaga ruuxda iyada oo labari dono Dhaqankeena Soomaaliyeed iyo diinteena Islaamkaba.

Daawo Hordhaca Wacadaraha ay idiin diyaariyeen Ururka USA




Waxaa nasoo gaadhsiiyay warbixintan


The Executive Director for the Summer Program is Saleeban Hassan, a.k.a. Salmaan. You can email him at Salmaan@SomaliAlliance.org and he will send you necessary information and forms you need.

CLICK HERE TO DOWNLOAD THE SUMMER PROGRAM FORM in Word 2007

CLICK HERE TO DOWNLOAD THE SUMMER PROGRAM FORM in Word 2003


Fill out the Forms and E-mail to Staff@SomaliAlliance.org as attachment



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com