shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sidee looga xusay Soomaaliya xuska 26 bisha juun? (Maalin wayn).

(Soomaaliya.  June 26,  2009 Ceegaag Online)


Maanta oo kale waxay tahay maalintii ay xornimadda qaateen umadda somaliyed gaar ahaan goboladi waqooyiga somalia kuwaasi oo xornimadda qaatay 26-June-2009 oo ah 49 sano guuradi ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda qaateen goboladda waqoyiga somalia oo uu gumaysanayay Gumaysigi Ingiriiska.

waxaa muuqata in maanta si aada looga seexday xuska maalintani waxaan samaynay xog ururin badan oo ku saabsan xuska maalintani waxaana marka aan eegno Puntland laga xusay Magaalooyinka Garowe iyo Qardho oo dareen ahaan u cabiray maalintaani.

hadana magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayay maanta ka dhaceen munaasabado lagu weynaynayo maalinta 26ka June. Magaalooyinka Garowe.

Magaalada Garowe xarunta Puntland ayey maanta isugu yimaadeen dadka xaflad balaaran oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garowe. Xafladan waxaa soo abaabulay maamulka Puntland, ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano, wasiiro iyo dad rayid ah.

Waxaa xafladaasi ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ka hadlay sida ay taariikh muhiim ah u tahay maalinta 26ka June, iyo ahmiyada ay ulleedahay maalinta xoriyada dalka Soomaaliya.

Magaaladda qardho ayaa iyana waxaan isku daynay inaan ogaano sida xuskani looga sameyay Runtii ma muuqan xuska maalintaani waxaase Shabakadda Ceegaag Online xafiiskeeda magaaladda qardho soo booqday odayaal waayo arag ah iyo dhalinyaro kuwaasi oo ka hadlayay dareenkooda.

Maxamed jaamac muuse(Dalla'aan) oo ah oday waayo arag ah ayaa iiga waramay bal maanta iyo 26-June "Qardho ayaan ka tegay habeenki calanka la surayay waxaan tagay Magaaladda Ceergaabo ee gobolka sanaag halkaasi oo aan wax ka soo suray calanka maantana aad buu dareenkaygu u kacsan yahay waxaan xasusta nin watay 3-Neef oo xoolo ah kaasi oo markii uu arkay calankii o la surayo sii daayay oo yiri XOR,XOR,XOR waxaase maanta dhuntay taasi balse waxaan sidoo kale leeyahay aduunyay walaley aduunyoy waayo badan bal somaliyay soo cesha sidaad ahaydeen 1960".



Xasan askari ayaa ka mid ahaa waayo aragi ra'yigiisa dhiibtay"Anigu waxaan ka mid ahaa askartii calanka salaanta u taagtay waxaan salaan siiyay calanka 1960-maanta oo kale 26-June waxaan ka mid ahaa ragi halganka military u soo galay calanka waxaan sidoo kale ka qaybgalay dagaal looga hortagayay Gumaysiga xabashida oo ka dhacay Degmadda doolow balse maanta somali iyaga ayaa is dulmiyay".

Ururadda dhalinyarada ayaa iyagana dareenkooda muujinayay waxaa sidoo kale saaka uga waramay Ceegaag Online dareenkiisa gudoomiyaha gobolka karkaar Yoonis cali faarax"Runtii anoo ku hadlaya magaca xukuumadda,magaca gobolka iyo degmadda waxaan maanta tahniyad u dirayaa shacabka somaliyed waxaan leeyahay maalin wanaagsan anana tabartayo gabi mayno".

6-ka Juun ayaa maanta laga soo hadal qaadin gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale laga xusin munaasabadaan Gobolada Waqooyi oo iyagana iska ilaabay xuska 26-ka Juun.

Gobolada Waqooyi ayaa xuska 26-ka Juun ku badalay 18-ka May oo ku began Goortii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een dalka Soomaaliya, waxaana meesha ka baxday sharafkii ay Ummadda ugu fadhiday manta oo kale.

Dalka Soomaaliya ma jirto meel maanta laga xusaayo 26-ka Juun, waxaana lalala yaaban yahay waxa Soomaalida ay u xusi la'dahay 26-ka Juun, iyadoo munaasbadaan ay ku soo aaday xilli ay dalka ka socdaan dagaalo Qaraar iyo barakac baahsan.


Dhanka kale Dowladda KMG ah ayaan weli ka hadlin qiimaha ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay Munaasabadda 26-ka Juun, mana jirto ilaa iyo hadda Mas’uul ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ka hadlay Munaasabadda 26-ka Juun.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com