shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Roma oo la soo Gabagebeeyay Hadabba Maxaa ka soo Baxay?

(Rooma.  June 11 ,  2009 Ceegaag Online)

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Axmed Walad Cabdala

Roma ayaa waxaa ka socday Maalmihi ugu Dambeeyay shir looga Hadlayay Xaaladaha Somalia waxaana shirkani ahaa mid aad Caalami u ah waxaa shirkani ka Qaybgalay Madax ka socotay somalia waxaan Hogaaminayay Raysalwasaare Cumar C/rashiid sharmaarke iyadoo sidoo kale shirkani ay ka qaybgaleen African Union, European Commission, European Union Council Secretariat, Presidency of European Union (Czech Republic), League of Arab States, Organization of Islamic Conference. United Nations, World Bank, Belgium, Canada, China, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Kenya, Malaysia, Netherlands, Norway, Somalia, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Tanzania, United Kingdom, United States, Yemen.
 
Shirkani ayaa Maanta lagu soo Gabagebeeyay Magaaladda Roma ee wadanka Talyaaniga iyadoo ay shirkani ahaa Mid diiradda lagu saarayay Xaaladaha ugu dambeeyay ee Somalia waxaana shirkani ahaa mid si aada Isha loogu hayay shirka ayaa waxa lagu Taageeray Dawladda kumeel gaarka ah ee Somalia.
 

Go'aannadii kasoo baxay shirkaas waxaa ka mid ah in dowladda Somalia laga taageero dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo tiknikada, si ay dib ugu soo celiso amaanka guud ee dalka oo ay dagaallo ka socdeen in ka badan 18-sano oo xiriir ah.

Kooxdu waxay soo dhaweysay dadaallada ay dowladda Somalia ku doonayso inay ku furto wadahadalo lagu dhameeyo khilaafyada kala dhexeeya kooxaha diidan jiritaaneeda, sida Xarakatul Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

ICG waxay beesha caalamka ugu baaqay inay xukuumadda Somalia ka taageerto wax walba oo ay codsato iyo inay Qarammada Midoobay xoogga saarto sidii ay ciidamo nabad ilaalin ah ugu diri lahayd Somalia, marka uu dhamaado xilliga AMISOM.

Sidoo kale ICG waxay go'aanadeeda ku cambaareysay dagaalada ay kooxaha hubeysan kala horjeedaan dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku sheegtay inay isku dayayaan inay afgambi ku sameeyaan xukuumada wadaaga ah ee Somalia.

ICG, waxay ugu baaqay dalalka Yurub inay sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu geliyaan xukuummadda uu horkacayo Sheekh Shariif dhaqaalihii loogu balanqaaday shirkii ka dhacay dalka Belgium, kaasoo dhaqaale loogu ururinayay Somalia.

Jaaliyadaha Somalida ah ee dibadda ku nool ayaa loogu baaqay inay gacan ka geystaan dib u soo celinta amaankii Somalia, isla markaana ay dowladooda ka taageeraan dhinaca siyaasadda.

waxaa billowgiisii ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Franco Frattini iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashid Sharma’arke.Kooxda Xiriirka Claamiga ah ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso tallaabada ay qaadday xukuumadda Somalia, taas oo ah xisaab-wanaag, iyo hannaan dowladeed oo hufan, tallaabooyinkaas oo udub-dhexaad u ah dowlad-wanaagga, iyo waliba sare u qaadidda kalsoonida dhinacyada taageera dowladda.

Kooxda Xiriirka Caalamigah ee Somalia, ayaa ugu baaqday dhammaan dalalka iyo hey’adaha ku jira ururkan, inay DKMG ah ka siyaan hiil siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid xagga farsamada ah, si ay dowladdu awood ugu yeelato inay hagaajiso ammaanka, badbaadiso rayidka, isla markaana ay u bixiso adeegyada aasaasiga ah, sida fursado shaqooyin oo loo abuuro da’a yarta. Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka go’an tahay taageeridda howlaha xasilinta iyo ammaanka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com