shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Ganacsiga ee Istanbul-Turkey oo la soo Gabagebeeyay(Daawo Sawirada)

(Istanbuul.  June 07 ,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Magaalada Ganacsiga caanka ku ah ee İstanbul lagu soo gabagabeeyay shir weyne caalami ah oo soconayay muddo todobaad ah shirkaas oo loogu magac daray Tuskon World Brıge 2009 shırkaas oo kusaabsanaa ısku xırka ganacsıga Dalka Turkıga Wadamada Addunka.

Shırkaan oo ahaa heer caalami laguna lafa guray siyaasadda ganacsiga aduunka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya dowladda weyn ee Turkey iyo aduunka intisa kale ayaaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirada ganacsiga ugu qaabilsan dowladaha xubnaha ka ah Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, iyadoo Dalka Somalıya uu matalayay Wasıırka Ganacsıga Mudane C/Rashiid Maxamed Cabdi ( Cırro) oo hogaaminayay wafdi balaaran oo ka socday Dawladda kumeel gaarka ah.

 
Shirkani oo ahaa mid si aada loogu falanqaynayay arrimaha ganacsiga aya somalia waxaa u matalayay shirka kana qeyb galay Shırka Saraakiil Ka socotay Safaradda Soamlıya Sıda Amb. Hılaal Max’ed Aadem Iyo Uqeybsanaha Ganacsıga Somalıya Ufadhıya Dalka Turkıga
C/Fataaax Warsame Rooti.

Shırka Mudadıı uu socday ayaa waxay Dalka Turkıga soo bandhıgeen wax qabadkoodıı ama Ganacsıgooda Sanadkaan ıyo Warashada Dalkoda waxa ay soo Saaaraan oo loo iib-geeyo Wadamadda Adduunka, iyadoo Dalkaan Turkiga uu yahay Dal Strategies laleh (2) labo Qaarood iskuna xira 2 qaaradood oo kala ah Asia & Europe.

Dalalka Ganacsıga ugu badan la yeelan doona dalka Turkiga iyadoo ay soo dhaweeyeen kuna sheegeen in ay aad udanaynayaan dalka Soomaaliya Maaadaama uu yahay Dal Hodan ama Dal Qani ah ,

Ugu danbeyntıı waxay Ganacsato Dalka Turkıga soo dhaweeyeen ın sı toos ah loogu xıro Dalka Soomaalıya Dalkaan turkıga dhanka Ganacsiga arinkaas oo uu qaban qaabo weyn ay Ugaleen Safarada Soomaliya Dalka Turkiga gaar ahaan Uqeybsanaha Ganacsıga Soomaaliya Ufadhiyada Dalka Turkıga C/fatax Warsame Rootı isagoo arinkaas aqbalaada ah ku sheegay guul weyn oo Ganacsatada Soomaaliyeed Horumar Unoqon doonta & Shacabka Soomaaliyeedba.

Waxuuna Uqeybsanaha Ganansiga Soomaaliya Dalka Turiga ugu baaqay Ganacsata Soomaaliyeed sidii ay ugu soo xirmi lahayeen Dalkaan turkiga una samayn lahayeen xiriir toosa oo joogta ah oo kala go’lahyn, isagoona balan qaaday inuu gacan weyn ka siin doono fududeynta howlaha wax wada qabsi ee labada dal.
Waxaa Kasoo qeyb galay Ganacsadayaal Gaarayey ılaa 5000 oo Kasocda Dalalka Adduunka.
Halkaas oo Afartıı Malın Ugu danbaysay lagu soo Bandhıgay Bandhıg Carweed aad Uweyn oo ay joogadeen Ganacsadayaasha Dalka ıyo Turkıga Iyo Mulkıılayaasha Shırkadaha Dalka Turkıga, waxayna halkaas kusoo bandhıgeen shırkad Kaste Waxa ay Adduunka u ııb-geyso & Sanadkaste waxa Ay soo saarto Cadadkeeda.

Shırkan ay soo qaban qaabısay Shırkada ay kukulmaan Ganacsıga Turkıga oo dhan ama caalamka u ııb gaysa waxa ay soo saarto Dalka Turkıga oo lagu magacaabo TUSKON.
Sanadkaan waxuu kaga duwanaa sanadıhıı hore shırkan ama bandhıgaba ıyada oo sanadıhıı hore ee lasoo dhaafay ay u martı galın jıreen Qaarad-Qaarad, lakın Sanadkaan waaa uu ka duwanayd oo hal mar ayay Qaaradaha Addunka Martı Qaadeen.

Uqeybsanaha Ganacsıga Ufadhıya Dalka Turkıga Mudane C/fatax Warsame Rootı ayaa Sanadkaan La kulamay Ganacsato & maalqabeenada Dalkaan Turkıga ısagoo ısagoo kala Hadlay sıdı Ganacsıga Somalıya Sı toos ah loogu xırı lahaa Dalkaan Turkıga Sı looga Maarmo Ganacsıga Somalıda ee Transıtka ku ah Marka Dalka Imaaraadka Carabta loona sameeyo Ganacsı Toos ah oo Somalıya & Turkıga iyadoo fıgradii ay la qaateen ganacsadayaasha Reer Turkı una Sheegay İn Sanadka Danbe ay Soomaaliya Noqon.

 
Waxaa soo gaarsiiyay Shabakadda wararka ee Ceegaag Online Safaaradda Somalia ee Turkiga.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com