shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Culuma'udiinka Puntland

(Garoowe.  June 10 ,  2009 Ceegaag Online)

Culuma udiin ka kala socday Goboladda Puntland ayaa waxaa shir uga Socday Magaaladda Caasimadda ah ee Garoowe waxaana shirkaasi ka qaybgalay oo Kaliya Culuma'udin ka kala socday Goboladda Bari,Nugaal,Sool waxaana shirkaasi lagu Falanqaynaya Xaaladaha ka Taagan somalia gaar ahaan Dhibaatoyinka iyo Musiibadda ka socota Koonfurta iyo Bartamaha Somalia .


Shirka waxaa laga soo saaray Go,aamadan Hoos ku Qoran:-

1) Dagaalka ka socda gobollada koofureed ee sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale, sumcad xumana usoo hoyiyay dadka Muslimiinta ah, waxaan garabyada isaga soo horjeeda dirirtaas ugu baaqeynaa in ay is-maan-dhaafkooda ku xalliyaan wada hadal & in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay daadinayaan, annagoo Alle ku dhaarineyna xasuusineyna mas’uuliyadda adduun iyo tan aakhiro, waana in la ogaadaa mas’uuliyadda dhibaatada arrintaa ka dhalata inay ku gaar tahay dadka faraha kula jira oo kali ah. Mar kale waxaan si adag ugu baaqaynaa in la joojiyo dirirta lana wada hadlo si dagaalkan uusan sabab ugu noqon in ciidamada shisheeye ee dalka jooga ay marmarsiinyo ugu helaan joogitaankooda ciidda soomaaliyeed iyo in lagu soo kordhiyo kuwo hor leh oo lagu xoojiyo kuwa jooga iyo tiyaaraad munxarif ah inay soo noolaadaan.


2) Dagaalkaas ka socda gobollada koofureed waa dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah, sheegashooyinka & waxyaabaha la isku hayana is dhex galeen, dagaalka noocan ah ee dhex mara dadka muslimiinta ah, waxa ka dhalan karana la saadaalin karo, xagna ujeedadiisunaysan caddeyn waa dagaal fitno ah, taageeriddiisa iyo ka qeybgalkiisuna ay xaaraam tahay.


3) Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka in ay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dhaawaca walaalahooda Soomaaliyeed ee isbitaallada buux-dhaafiyay iyo kuwa ka barakacay dagaallada ka socda gobollada koofureed ee dibad-yaalka u noqday roobka, milicda iyo dhaxanta, iyadoo ay u weheliyaan gaajo, harraad iyo cudurro ka dhashay duruufta adag ee ay ku jiraan.


4) Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad badanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
 
Saxiixayaasha bayaanka:-
 
1) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
2) Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed
3) Sh. Daahir Aw-Cabdi
4) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
5) Sh. C/Naasir Xaaji Axmed
6) Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla
7) Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
8)"Sh. Axmed C/Samad Cabdille
9) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)
10) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
11) Sh. Yaasiin C/laahi Cali
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com