shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir lagu qaadaa dhigayo arimaha Soomaaliya oo ka furmay Rooma caasimada wadanka Talyaaniga

(Rooma.  June 09 ,  2009 Ceegaag Online)

Raysal wasaaraha oo ka yaaban waxa shirka ka socda ee meesha dawladiisu taagan tahay

Waxaa magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga ka furmay shir ladoonayo in lagaga hadlo sidii loo caawin lahaa dawlada Soomaaliya tasoo  hada la tacaalasa kooxo ku hoos jira shaati diimeedka been abuurka ah.

Waxaa shirkan ka soo qayb galay wadamo ka badan kuwii xiriirka caalamiga ee horay uga arimin jiray xaalada Soomaaliya iyada oo wadamadan cusub ay shirka keentay kooxa budhcadbadeeda oo weeraro isdaba joog ah ku haya maraakiibtooda.
 

Shirkan ayaa laga filayn in natiijo fiicani ka soo baxdo hadii ay wadamadan siinwaayaan gacan bino'aadamnimo dawlada Soomaaliya iyo shacabkeeda oo hada ku baraa rugay dabinka kooxo diimeedyada usoo banbaxay ceebeenta diinta Islaamka.

Wadamadan ayaa uun wata arimaha u gaarka ah tasoo mijo xaabin doonta shirka oo ay doonayaan inay ku maldahaan dhibaatada ay wadamadan ku shiraya Rooma ku hayaan gayiga Soomaaliya.

Ilaahada majiraan cid ka hadashay dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed balse shirkii wali wuu socdaa

wixii warar ah kala soco ceegaag online

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com