shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheikh Xasan daahir aways oo ka hadlay Dalabkii Dawladda KMG ah.

(Muqdisho.  June 21,  2009 Ceegaag Online)

Hogaamiyaha dagaalka kala soo horjeeda Dawladda kumeel gaarka ah ee somalia sheikh xasan daahir aways ahna gudoomiyaha ururka Xizbul Islaam ayaa ka hadlay Hadal uu shalay sheegay Gudoomiyaha baarlamaanka somalia Sheikh aadan madoobe .
 
Xasan Daahir Aways oo ku sugan muqdisho ayaa yiri" Wixii aan ka digi jirnay oo ahaa ragaasu in ay rag kale meesha u joogaan oo la soo adeegsaday ayaa soo baxaysa, marka waxaa weeyaan in ay ummadda u cadaato in ay adeegsi meesha u joogeen aysan khiyaar lahayn oo aan ummadda Soomaaliyeedna u joogin, anaguna waxaan leenahay arrintaas yaan lagu qatalmin, ciidamada jooga iyo kuwa soo socdaba hala joojiyo kolley waajibkeena waa ka tashanayna, qoladii gardarro noogu timaadana xillkeena waan gudanaynaa insha allah" .
 
Sh.Xassan daahir ayaa kula taliyay DKMG ah in haddii aysan ka soo bixi Karin waajibka Dawladnimo ay Shacabka u baneeyaan masraxa ayna iska casilan xillalka intii ay dadka ku gumaadi lahaayeen danahooda shaqsiga ah wuxuuna yiri isagoo arrintaa ka faaloonaya " walal dadku markay arkaan in aysan ka soo bixi Karin shaqada waa iska casilaa ummadda ayuuna soo dhex dhigaa arrinta balse ummadda asaga dartiis uma baabi’iyo marka haddii aysan wax qaban Karin ummadda ha u baneeyeen hana u soo celiyeen amarkooda si ciddi wax u qaban karta ay u doortaan, waxaana ayaga u fiican intii ay cadaw u yeeran lahayeen in ay ummadda yiraahdaan tashada".
 
Sh.Xassan Daahir ayaa sheegay sababta ay u dirirayan in ay tahay Xornimo ay helaan Shacabka Soomaaliyeed maadaama cadaw shisheeye ku sugan yahay Dalka isla markaana aysan u madax banaanayn in ay ka yashadaan Aayahooda wuxuuna intaa raaciyay in Dawladdan aysan ahayn mid ay ledahay Soomaaliya balse ay soo aasaasteen wax uu ku tilmaamay Cadaw danihiisa gaarka ah ku fushanaya.
 
Isku soo wadda dubo xasan daahir aways waxaa uu qayb ka yahay Dagaalka la doonayo in lagu gumaado shacabka somalia gaar ahaan lagu doonayo in lagu majaxaabiyo Dawladda uu hoganka u hayo Sheikh sharif sheik axmed waxaana uu ka taliyaa masafo ahaan Dhul baaxad wayn oo ku teedsan Koonfurta somalia

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com