shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sareeyow Calankaygoow, sanad-guuro wanaagsan 26-Juun Maalintii Calankeena laga taagay Gayigeena

(Soomaaliya.  June 26,  2009 Ceegaag Online)

Guud ahaan shacabwaynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda qiimaha wayn ee taariikhiga ah ee 26-juun, munaasabaddan oo ah maalintii u horeysay ee calan xor ah oo soomaaliyeed laga taago ciida, dhulka iyo geyiga soomaaliyeed.

Calan waa Astan ama sumad matasha qowmiyad leh wadan ugaar ah oo madax-banaan kana mid ah qaramada aduunka ku bahoobay , Calankeena Buluuga ah oo xaqiiqdii aragtidiisu maanta qofka muwaadinka dhabta ah ee nasahan ku abuursaysa jidhiidhico & murugo wadata ciil . caloolyoow & Cataw Hoose waxaa aasaasay Fikradiisana Lahaa Ilaahay ha Unaxariistee Maxamed Cawaale Liibaan Sanaddii 1954-Kii waxaana laga dhex doortay Dhowr astaamood oo maalinkaas la horgeeyay baarlamaankii Kumeel gaadhka ahaa.

Wuxuu matalayaa guud ahaan ummada soomaaliga ku hadasha Qolo kasta & dal kasta maanta ka hoostagaane , wuxuuna himiladiisu ahayd Ahayd In uu meel iskugu keeno.

Waxaa xad-gudub balaadhan Calankeena ku samaynayaa kooxaha iska soo horjeeda ee dalkeena hooyo rogaya, kuwaasoo u diidan maanta inuu calankan ka dul baban waayo ciidiisii iyo geyigiisii iyagoo kuwii ugu danbeeyey ee wadaad ku sheegyaasha ahna ku badaleen mid aan matalin dadka iyo dadka ..... Kuwii ka horeeyayna hadalkooda daa !!

Waa calan amaan loo dhameeyay oo ilaahay ha u naxariistee abwaan Timo-cadde yidhi "Sankuneefle dhamaantii iyo khalqiga kii usinaayoow , Soomaaloo Calan taagta saakaa noogu horeysee, saq dhexaanu ahayne, kii soo saaray cadceedoow, sareeyoow ma nusqaamoow, aan siduu yahay eegnee , kana siib kana saar".

Cabdilaahi Qarshe isna wuxuu yidhi "Qolo waliba calankeedu waa cayn , keenuna waa cirkoo kale", Abwaaniin kalena waxay yidhaahdeen heesta Calanka oo ay kamid ahayd midhaheedu "Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiina taag daraneey, taageera waligiin".

Anigu Ma Ihi Abwaan, mana isku dayo gabayada iyo geeraarada toona, mar-mar mooyaane. Abwaan horena wuxuu yidhi "Haddaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keenin, amaan olol jaceyl iyo xanuun kugu ijbaaraynin, afkuun baad la leedahaye tixihu arar ma yeeshaan, anigana dhibaatada lagu hayo wadankayga iyo calankayga ayaa iga keeney afar-tan gaaban oo aan kula xanuunsanayo calankayga cadibaada lagu hayo".
 

Tixda Gabay:

sareeyoow calankaygoow
sumadii wadankaygoow,
samada kii u ekaayoow
Sanad Guuro wanaagsan.

sareeyoow dabcigaagiyo
waxaad saaka ku toostiyo
waxaad soo martay oo dhan
anba waan la socdaaye
sanad guuro wanaagsan.

sida aad tahay maantiyo
noloshaada sirteedu
ima seegana oo
sanadihii u danbeeyay
wixii aad ku sugnayd
anba waan la socdaayo
kaama seexdo habeene
sanad guuro wanaagsan.

sadrigaygiyo laabtiyo
sanbabkayga dushiisuu
iiga yaal sawirkaagoo
samahaagiyo guuliyo
inaad soo noqotoo
samadaa ka hilaacdaan
saatir kaaga baryaayo
silic kuuma rajeeyee
sanad guuro wanaagsan.

cabdilaahi suldaan iyo
sareeyoow ma nusqaamoow
kana siib kana saar
markaan soo yar xasuustaan
saydhiyaa il-madaydoo
naftu seexadka diidaye
sanad guuro wanaagsan.

seef laboodku dhammaan
saxariirta aduunkiyo
silic bay ku badeenoo
calan aan sal lahayn
inay soo sawirteenoo
samadaa babiyeen
adna ay salka hoosiyo
sagxadaa ku dhigeen
sareeyow maqlay taasnee
sanad guur wanaagsan.

si kaloon ku idhaahdo
saaka kuu garan maayo
saq-dhexaan ku jirnaayo
saan-saantaan arkaayaayoo
saadaashaadu ma fiicnee
samirkaaga dugsoo
salaantayda guddoonoo
sanad guuro wanaagsan.

sareeyoow adigoon
aduunkoo dhan safaarad
samadaa widhwidhaynoo
magacaagu sarrayn
saraakiil & ciidan
salaan kuu fidinayn
subaxdiina schoolka
ubadkoo saf utaagan
sacab kuu tumahayn
aduunkaan silicaa
allow yaanan sagootin
saatirow rabiyow
inta aanan socdaalin
su,aashaadayda ajiib..

Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi Cadawga.

Xigasho:Calanka


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com