shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ganacsade Cabdilaahi Cali Cabdiraxmaan (Armaajo) ayaa shir lagaga hadlayay Caymiska Caafimaad ugu qabtay Bulshada ku dhaqan Xaafada Roxbury.

(Boston.  June 07 ,  2009 Ceegaag Online)

 

Waxaa manta ka dhacay shir albaabadu u  furnaayeen masjid jaamac magaalada Boston shir balaaran oo ay ka  soo qaybgaleen dad kala matalayay bulshada dhinacyadeeda kala duwan.

Shirkan ayaa lagu qaadaa dhigay sidii looga samaynlahaa wadankan Mareekanka Caymiska Caafimaadka oo cid waliba yeelato awoodinakarto inay yeelato.

Dadkii shirkan isugu yimid waxay daawadeen cajalad uu madaxwaynuhu usoo diray munaasabada iyagoo intaa dabadeed qaadaa dhigay siday uga dhabeen lahaayeed hadalada iyo balan qaadyada madaxwaynaha.

Dadka shirka yimid ayaa isku adkeeyay in laga jibokeeno oo la waco ama la shukaamiyo cidkasta oo awoodi karta inay meelmariso qorshaca Caymiska Caafimaadka ee madaxwayne Obama.

 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com