shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaraxyo iyo Dagaalo Xoogan oo Maanta Magaaladda Muqdisho Hareeyay.

(Muqdisho.   June 03 ,  2009 Ceegaag Online)

Todobaadkan waxaa Magaaladda Casimadda ah ee Muqdisho Hareeyay Dagaalo Khasaare Farabadan gaystay Dagaaladan ayaa Maanta waxaa ay ka dhacayeen Aaga Degmadda Yaaqshiid iyadoo uu horay u jiray Dagaal Ruugaga laysu Laabtay oo Xaafadda Dharkenley Hareeyay waxaana shalay muuqatay in Ciidamadda Dawladda kumeel gaarka ah ay Guulo ka gaaren Dagaalka ka dib markii ay qabsadeen dhar aag oo uu kam id yahay Saldhiga Galbeed ee Degmadda Dharkenley balse waxaa jirtay in sidoo kale ay qabsadeen saldhigi Degmadda Yaaqshiid magaaladda Muqdisho.
 

Maanta marka la eego Xaalada Dagaalku waxaa ay ahayd mid aad u kharaar waxaana dagaalku maanta ka dhacayay Aaga Degmadda Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaana Xaaladda dagaalka ee Maanta degmadasi Ififaaalo ka muujinayaan in Dagaalkii Maanta ay Goobo dhawr ah qabsadeen Xoogaga aadka u hubaysan ee Mucaaradka Islaamiyiinta.
 
Mdaafiicda ayaa waxay ku dhacaysaa inta badan deegaanada ay degan yihiin dadka rayid ah, waxaana soo badanaaya dadka ka barakacaaya magaalada, iyadoo dadka u cararaayaan deegaanada ay is oran karaan waad ku bad baadi kartaan.


Deegaaanada dagaalku ka socdo haatan ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin agagaarka Hotel kaah ilaa isgoyska Fagax, iyadoo Ciidamada ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ay mar kale ka soo galeen dagaalka wadada ka timaada Suuqa Xoolaha Muqdisho.


Waxaa la sheegayaa in dagaalku uu yahay mid u muuqda inuu sii xoogaystay, waxaana jirta in labada dhinac ay isku adeegsanayaan daryaanka madaafiicda, waxaana badanaaya dadka ka barakacaaya Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa buux dhaafiyay dadka la gaynaayo Cusbitaalada Muqdisho ee ku dhaawacmay dagaalada haatan ka soconaaya Magaalada Muqdisho, dadka dhaawaca ah eek u waxyeeloobay dagaalada ayaa u muuqda kuwo ka badan tankii loogu talogalay Cusbitaalada.

 
Hadaba intii Dagaalku socday Qarax Miino ayaa lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi inta u dhaxeysa Jaamada iyo kuliyadii hore ee Jaale Siyaad waxa uuna haleelay mid ka mid ah Gaadiidkii ay wateen oo bur bur xoogani soo gaarey.
Weerarka Miino ayaa la sheegayaa inuu khasaare gaarsiiyay Ciidamadii lala beegsadey balse faahfaahin dheeraad ah lagama hayo, qaraxa ka dib rasaas ciidamadu fureen waxaa ku dhaawacmey 2 qof oo rayid ah.
 
Weerarka Miino ka dib waxaa xigay iska hor段maad xoogan kaas oo u dhaxeeyay Xoogagii weerarka fuliyay iyo Ciidamada Burundi.
 
Sidoo kale iska hor段maadkan waxaa bar-bar socdey duqeyn ciidamadu AMISOM ka geysteen Xaafadaha ku xeeran goobta u iska hor段maadku ka socdey.
Madfac ku dhacey guri ku yaala Xaafada Radeerka waxaa la sheegaya inuu geystay dhaawaca 7 qof oo rayid ah.
 
Dagaalka ayaa Maanta markii uu gaaray heerkaasi waxaa uu noqday mid sababa Barakac aad u baahsan.
Dawladda KMG oo ka hadashay Jawiga Dagaalka:
 
Farxaan Cali Maxa置ud oo Dhanka Warfaafinta DKMG ahi ugu qaabilsan oo Maanta Shir Jaraa段d ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ayaa uga Hadley Shirkiisa Jaraa段d Dagaaladii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho ka dhacey.
 
Dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacey ayuu dhankooda sheegay inay guulo ka gaareen, gaar ahaan kuwii ka dhacey Degmooyinka Yaaqshiid & Dharkeynlay.
Muddo 100 Maalin Gudahood ah ayuu sidoo kale sheegay Dagaaladan guud ahaan inay ku soo gebo gebeynayaan.
 
Dagaaladan ayuu sheegay inay uga gol leeyihiin sidii Amaanka Magaalada ugu qaxiijin lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.
 
Dhanka kale waxa uu ka Hadley oo raali gelin ka bixiyay dad rayid ah oo ciidamada DKMG ahi shaley kala soo baxeen Masjid ka dibna toogteen.
 
Dilka Dadkaas Rayidka ah loo geystay ayuu sheegay inuu si aan ula kac aheyn u dhacey, halka Ehelada Dadkii la laayay ay horey Dowlada uga codsadey Talaabo ku haboon in laga qaadi cidii Dilka Dadkooda ka danbeysay.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com