shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax Miino oo Sababay Khasaare Balaaran oo ka Dhacay Degmadda Shibish ee Magaaladda Muqdisho.

(Muqdisho.  June 07 ,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Muqdisho waxay Noqotay Goob sxb u ah Dagaalo soo noqnoqday oo u dhexeeya Ciidamadda Dawladda Kumeelgaarka ah iyo Amison oo dhinac ah iyo waliba Kooxaha Muqaawamadda ee ka soo horjeeda Dawladda kumeelgaarka ah waxaana had goor dhacda in dad aan waxba gaysan ku barakacan Dagaaladda Hareeyay Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho dad Rayid ah ayaa ku geeriyooday Dagaalo aad u farabadanoo DaashadayShacabka Magaaladda Muqdisho .
 
Saaka waxaa isgoyska lagu Magacaabo Nasiib buundo ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay Qiso aad u naxdin badan ka gadaal markii kooxo Dhiigyo Cabayaal ah ay Qarax ku haligeen Gaari ay saarnaayen Dad rayid ah waxaana Qaraxani ahaa Nooca Miinadda kaasi oo lagu rakibay Wadada Dhineceda Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.
 
Qaraxan ayaa ahaa mid aad u naxdin badan ka gadaal markii Qaraxa ay ku geeriyooden Saddex qof oo uu ku jiro Darawalkii gaariga waxaana gaarigu ahaa Nooca Raaxadda ee Corola waxana dadkii qaraxu haleelay la kala garan waayay Hilibkooda iyagoo isku basbeelay meel wadada Dhineceda ah waxaana gaarigani ahaa mid aad argagax u galiyay Shacabka Xaafadda .
 
Qaraxani haleelay Goobta isgoyska Nasiib buundo ee Degmadda shibis ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka socda Dawladda Kumeel gaarka ah waxaana ay isku hareereyen Goobta Qaraxu ka dhacay Gudaha Degmadda.
 
Isku soo wadda duubo beryihi ugu dambeeyay waxaa ku xasuuqmayay Magaaladda Muqdisho dad maato ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo aad ugu bayni baxay Dagaaladda ka soconaya Magaaladda Muqdisho.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com