shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Obama oo uga Digay Waqooyiga Kuuriya Tijaabinta Awaada Qubulo diriyada ah

(Baariis,Faransiiska.  June 06 ,  2009 Ceegaag Online)


Madaxweynaha Maraykanka Brack obama oo wali Socdaalo ku kala Bixinaya Wadamadda Muslimiinta iyo Kuwa Yurub ayaa isagoo ka Qaybgalayay Sanadguro lagu Xusayay Dagaalkii Labaad ee dunida Magaaladda maanta oo Sabti ah.
 
Madaxweyne Obama ayaa isaga oo Garabtaagan Dhigiisa wadanka France Nilocolos Sarkozy waxaa uu sheegay in Dawladda Waqooyiga Korea ay Tahay Dawlad dibindaabyo Caalamka ku ah isla markaana aan doonayn Nabad ka xasisha Gobolka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa Hadalkani ku yiri Xaflad si balaaran loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaaladda Paris taasi oo lagu xusayay Sanadguuradi Landmarking ee France Dagaalkii Labaad ee Dunida.
 
Obama ayaa yiri"Waa arrin aan Caadi ahayn isuma Dheelitirayso Xaasaasiyada arrimaha Nuclearka ee Nabada ku dhisan waxaan uga Digayaa Wadanka Waqooyiga Korea inay Tijaabo ku sameeyan Hubka Nuclearka Cunaqabatayn Diplomacy ah ayaan saaraynaa".
"Waxkasta waxaa haboon in lagu xaliyo Hab diblomaasiyadeed dawladda Waqooyiga Korea waxaan u sheegayaa in Xalka dibplomacy ah la raadiyo balse aan lagu socon Wado Khatar ah".
 
"Waxaan Donaynaa inaan Qayblibaax leh ka qaadano Xalinta Arrintani"
Obama ayaa hadalkani ka yiri Magaaladda Nomardy ee Waqooyiga France halkaasi oo uu Kulan kula Qaatay Mr:Zarkozy.
 
"Ma doonayno inaan Wadno Siyaasad Qalafsan iyo Handadaad"
Waqooyiga Korea ayaa Dabayaaqadi Bishi April waxay Tijaabisay Gantaalka Ridada Dheer taaso ay Dawladasi Horumaro Dhawr ah ka samaysay Tijaabinta Hubka Nuclearka waxaana ay Noqotay arrin aad la isugu Goodiyo.
 
Korea Waqaayi ayaa aaminsan inay Tijaboyin badan ku samayso Gantaaladda Ridada Dheer taasi oo uu had iyo goor maraykanku ku goodiyo inaaanay Dawladaasi isku dayin Tibaajo Hubkaasi Nuclearka.
 
Isku soo wada duubo safarka Obama ee Dunida Caalamka sida Yurub iyo Muslimiinta ayaa ah mid u shalay kulan la yeeshay Haweenayda Raysalwasaaraha ka ah Wadanka Germanka Angela Markel.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com