shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Obama oo Maanta Khudbad Ujeediyay Muslimiinta Caalamka Cairo University.

(Qaahira, Masar.  June 04 ,  2009 Ceegaag Online)

Daawo Qudbadii Madaxwayne Obama

 

Socdaal uu Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ugu Magac daray Khudbadiisa Maanta Cairo"Bilawga Cusub"kaasi oo uu Khudbad ugu Jeediyay Muslimiin Gaaraya 1.5-Million Jaamacadda Cairo University ee Magaaladda Qaahira.
 
Aragtida Safarka Obama ee Maanta oo Khamiis ah uu ku yimi Qaahira taasi oo kula hadlayay Muslimiinta aadka u tiradabadan ee dhoobna Jaamacadda Cairo University waxana Jaamacadda Maanta uu ahaa in u Kulan Gaar ah la yeesho Madaxweynaha Masar Maxamed Xuzni Mubarak.
Obama ayaa Yiri"Meertadi Shakiga iyo Dagaalka waa Dhamaatay balse waa Bilaw Cusub"Obama ayaa sidoo kale waxaa markii u hadalka waday sidoo kale waxaa uu yiri"Waxaan u imi Qaahira Raadinta Bilawga Cusub anoo Xooga saaraya Danayntayadda,Xushmadda,oo run ay asal u tahay Xariirka Reer galbeedka(Maraykanka) iyo Muslimiinta Baahida iyo Dantana ma aha Tartan". ayaa uu Obama ka hor yiri Marti soo buux dhaafisay Jaamacadda Qaahira.
"Wali waxaan dhawraynaa Cadaaladda is dhexgalka Dadka iyo waliba dulqaadka iyo Sharafta Bani'aadanimo".

Madaxweyne Brack obama waxaa uu ka yimi Riyadh Saudi Arabia Obama ayaa horay Doorashadiisi ku dhawaaqay Xariir wacan oo Dhexmara Muslimiinta Dunida iyo Americanka ka dib fikiro badan oo musliminta ka dheheen Khilaafka Yuhuuda iyo Palestine,Ciraaq,Weerarkii Afghanistan.
"Hal khudbad ah oo kaliya laguma Ciribtiri karo Khilaafka iyo isfahan la'aanta labada Dhinac waxaa jira iyana Su,aalo isku cufan oo adag hal wakhtise lagama wada jawaabi karo"ayuu yiri.
 
Dhibaatadda (Falastiin).
 
"Arrintena Kowaad waa isfahanka Carqaladaha Argagixisadda iyo Dhibaatadda murugadda wayn keentay Argagixisadda".Booqashadi bishii April ee Obama ku yimi dalka Muslimka ah ee Turkiga kuna yaal Qaaradda Europe ayaa yiri"Maraykanka ma aha Weerar-Ma jiri doono Dagaal musliminta uga yimada Maraykanka fikirka Agagixiso ee aadka loogu kala fogaaday".
 
"Nabadda caamka ah ee Dunida waa isfahan iyo Wada shaqayn".
"Maxaa Yeelay waxaan diidnay arrimo isku mid ah Cadaalad weeye,Dilka sharci daradda ah Ragga,Haweenka,Ciyaalka ma banaana,taasi waa tan dadka Americanka ah ka soo horjeedan marka koowaad".
 
Sidoo kale Obama waxa uu Cilmiyeyay arrimaha waaweyn arrimaha Khilaafka Yuhuuda iyo Falastiin.
Xariirka America iyo Israel waa mid adag"Lama Jebinkaro"waxaana ay ku base garaysantahay Xariirka Daahay ee Dhulka Jewish iyo Taariikh aan la inkiri karin.
Laakiin waxa uu sidoo kale Yiri"Lama Inkiri karo in Dadka Reer Falastiin ay Dhibaatooden,Baabe'en la Xasuuqay dhulkoodana la haysto.
"Xalka kaliya waxaa uu noqonaya Isu soo dhawaynta iyo ukala dab qaadida Labadda Dal Halkaasi oo dadka Reer falastiin iyo Yuhuudu ku wada Nooladaan Amaan iyo Deganaansho".
"Taasi waa Danta Israel,Danta Falastiin,Danta Americanka,iyo Danta Caalamka".
Obama waxaa uu hadalkiisa ku soo Gunaanaday Falastiiniyiinta waa inay joojiyaan Carqaladaha,Israel iyana waa inay ilaaliyaan Deganaanshaha iyo Amaanka xuquuqda Muwaadiniinta Falastiin Bulsho horumarsan Shaqayn kartana Dhalataa.
 
"Xiriir Wanaagsan"

Marka la eego safarka Obama waxaa uu Xambaarsanyahay Xariir wanaagsan oo ay Yeeshaan hadaba Warbixinadda isku xigxiga ee Shabaladda Wararka ee Ceegaag online idiin soo bandhigayso waxaan sidoo kale safarka iyo kulamadda Obama ee kale ku qotomaan Raadinta Fikirka Siyaasiyiinta Carabta.
Marwan Bishar oo ah Maxali siyaasi Al-Jazeera ayaa yiri"Calaamad Su'aal baa saaran Khatarta Maamulkii Bush iyo Booqashadda Obama awood jilicsan ayaa noqon karta mid laagu ilaaliyo Awood military".
"waxay dib no soo xasuusinaysaa wadashaqayn Cusub,Democracy,Xoriyad,iyadoo aan isku wakhti ahayn aadna la isugu hawlayn Isticmaalka Awoodo Military".
 
Afhayeen u hadlay Maxamud Cabas abuu Maazin ayaa yiri"Booqashadda Obama waa Bilaw Fiican".
 
Nabil Abu Rdainah ayaa ka hadlay sidoo kale"Obama ku dhawaaqista joojinta Barakicinta iyo Deganaan laga sameeyo iyo Xariir ay sameeyan labadda dal ee Israel iyo Palestine hadaba wa Tixraaca Dhibatadda Falastiin.......waa fariin iska cad oo ku socota Israel oo ah Dhisida Nabad iyo Wada deganansho Falastiin iyo Israel taasi oo gundhig u noqonaya Dawaldda falastiin Caasimadda Jerusalam".
 
"Booqashadda Obama waa Bilaw Fiican , waxayna muhiim u tahay Talaabo horusocod ku ah Siyaasadda Americaka".
Axmed Yousof oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa AL-Jazeera ka yiri"Khudbadda Obama waxay dib noo xasuusinaysaa boqorkii Martin Luther oo dhahay "Khudbaddi Riyada".
 
Afghanistan
 
Khudbadi Maanta uu Qaahira ka jeediyay Madaxweyne Obama waxaa uu kaga Hadlay Dhibaatadda ka Taagan Afghanistan.
"Dawlada Maraykanka ma doonayso in Ciidamadeedu sii joogaan Afghanistan mana doonayno in Dagaal iyo Hawlgalo Military wax lagu Dhameeyo".
 
"Waan in aan cadaynaa Al-Qaeda ayaa dishay ku dhawaad 3,000 maalintii Dhibaatadda loo gaysanayo sida sharci darada ah Haweenka,Raga iyo Ciyaalka kuwaasi oo aan waxba gaysan".
"Al-Qaedia waxay handadaad wadamo badan iyaga oo donaya inay fidiyaan Xukunkooda gaarsiyana Wadamo badan arrinatani ma aha mid laga Doodo".
 
Sidoo kale Hogaamiyayasha Americanku waxay qabaaan Barnaamijka Nuclearka e Iran inu yahay mid si free ah lagu doonayo in dunida looga samaysto Hub Nuclear ah.
 
"Hal Qaran oo kaliya ma dooran karo inuu samaysto Hub Casri ah oo Nuclear ah kaliya waxaa haboon in Iran samaysato Barnaamij Nuclear oo ku samaysan Nabad"Nabadayn".
 
Socdaalka Obama ee Bariga dhexe ujeedada u wayn wa Sawirka Muuqda ee Muslimiinta Xiriirkooda iyo Reer galbeedka sidii dib loogu Habayn lahaa isagoo doonaya in Dunida Musliminta ka Taageran Hawlaha la xariira Israel-Palestine oo Yuhuudu Xasuuq badan u Gaysatay Dadka Reer Falastiin iyo in sidoo kale Dawladaha Musliminta ka tageran Barnaamijka Nuclearka ee Dawladda Islaamiga ah ee Iran.



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com